{"id":502798,"date":"2023-12-01T19:25:04","date_gmt":"2023-12-01T16:25:04","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=502798"},"modified":"2023-12-01T19:25:04","modified_gmt":"2023-12-01T16:25:04","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-khudbad-ka-jeediyey-shirka-caalamiga-ah-ee-isbeddelka-cimilada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-khudbad-ka-jeediyey-shirka-caalamiga-ah-ee-isbeddelka-cimilada\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: 18px;\">Dubai (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">Madaxweynaha ayaa sheegay in daadadka ka dhashay duufaanta Elnino ay ku dhinteen in kabadan 120 qof oo Soomaaliyeed, halka ay ku barakeen in ka badan hal malyan, kuwaas oo ay dowladdu la tacaalayso dhibaatada soo gaartay, arrinkaas oo yareeyey khasaaraha la filayey.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">\u201cSoomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysa arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-nino waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka\u201d.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo ku howllan xoreynta dalka iyo in ay iska dulqaadaan argagixisada, haddana ay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata, sidaas awgeedna ay go\u2019an tahay in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaliilay hannaanka caalamiga ah ee ka hortagga saameynta cimilada iyo in dalalka Afrika aan si mug leh looga qeyb gelin qorshaha xallinta dhibaatadan ayaa ugu baaqay dalalka warshadleeyda ah in ay guutaan masuuliyadda ka saaran arrinkaas, si loo xaqiijiyo duni ku habboon nolasha.<\/span><!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_231201_192318_155.sdocx--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dubai (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada. Madaxweynaha ayaa sheegay in daadadka ka dhashay duufaanta Elnino ay ku dhinteen in kabadan 120 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":502799,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-502798","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-gudaha","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502798","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=502798"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502798\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":502800,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502798\/revisions\/502800"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/502799"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=502798"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=502798"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=502798"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}