{"id":502406,"date":"2023-11-25T17:28:50","date_gmt":"2023-11-25T14:28:50","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=502406"},"modified":"2023-11-25T17:47:12","modified_gmt":"2023-11-25T14:47:12","slug":"28-qof-oo-ku-geeriyooday-doon-la-qalibantay-kadib-markii-khawaarijtu-u-diideen-meel-ay-ka-baxdo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/28-qof-oo-ku-geeriyooday-doon-la-qalibantay-kadib-markii-khawaarijtu-u-diideen-meel-ay-ka-baxdo\/","title":{"rendered":"28 Qof oo ku geeriyooday doon la qalibantay kadib markii khawaarijtu u diideen meel ay ka baxdo"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay&#8217;adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo qabtay shir jiraa\u2019id oo uu kaga waramayo xaaladdii ugu dambeysay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabaka ka da\u2019ay dalka ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday ay illaa hadda marayaan 96 Ruux oo 28 kamid ah ay ku dhinteen Doon la qalibantay kadib markii Khawaarijtu u diideen meel ay ka baxaan.<\/p>\n<p>In ka badan labo milyan oo ruux (2,000,300), ayaa ay saameyn ku yeesheen roobabka daadadka wata ee ka da\u2019ay dalka Soomaaliya, waxaana ku barakacaay illaa sagaal boqol oo kun (9,000) oo ruux sida uu sheegay guddoomiyaha Hey\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Hay&#8217;adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo ka warbixiyay gurmad ay hey\u2019adda SODMA ay sameysay ayaa sheegay in illaa 11 kun oo ay gaarsiyeen cuno iyo agab kale oo ay u baahnaayeen, waxaana uu tilmaamay in ilaa hadda ay filayaan gurmad oo xooggan oo ay ku yabooheen dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cIllaa hadda waxaa la gaarsiiyay 33 doomoon Gedo, Jubbada Hoose iyo Hirshabeelle oo u baahna dooman si loo badbaadiyo dadka ay fatahaadu saameysay\u201d ayuu yiri guddoomiyaha Hey\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle.<\/p>\n<p>Kooxda cadowga ee khawaarijta ayaa sidoo kale caqabad ku ah in gurmad la gaarsiiyo dadka ka barakacay degmooyinka ay daadadku saameeyeen, waxaana dhibaatooyinkaas kamid ah in kooxda cadowga ah ay u diideen doon ay saarnaayeen dad shacab ah oo doonayey inay naftooda badbaadiyaan balse ugu dambeyn doontii ay la qalibantay iyada oo uu cadowgu ceyrsanyo sidaasna wabiga ugu geeriyooday.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay&#8217;adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo qabtay shir jiraa\u2019id oo uu kaga waramayo xaaladdii ugu dambeysay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabaka ka da\u2019ay dalka ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday ay illaa hadda marayaan 96 Ruux oo 28 kamid ah ay ku dhinteen Doon la qalibantay kadib markii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":38,"featured_media":497477,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[1091],"class_list":{"0":"post-502406","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka","9":"tag-28-qof-oo-ku-geeriyooday-doon-la-qalibantay-kadib-markii-khawaarijtu-u-diideen-meel-ay-ka-baxdo"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502406","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/38"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=502406"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502406\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":502410,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502406\/revisions\/502410"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/497477"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=502406"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=502406"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=502406"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}