{"id":502281,"date":"2023-11-24T10:39:30","date_gmt":"2023-11-24T07:39:30","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=502281"},"modified":"2023-11-24T10:39:45","modified_gmt":"2023-11-24T07:39:45","slug":"azerbaijan-wasiiru-dawlaha-shaqada-xfs-oo-saxiixay-sharciga-xarunta-shaqada-ee-ururka-iskaashiga-islaamka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/azerbaijan-wasiiru-dawlaha-shaqada-xfs-oo-saxiixay-sharciga-xarunta-shaqada-ee-ururka-iskaashiga-islaamka\/","title":{"rendered":"Azerbaijan :Wasiiru-dawlaha Shaqada XFS oo saxiixay sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka."},"content":{"rendered":"<p>Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Baku ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku saxeexey sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.<\/p>\n<p>Wasiiru-dawlaha ayaa ka qeybgalay kalfadhigga ururka,kaas oo looga hadlaayey meelmarinta sharciga ee xarun loogu talagalay shaqo abuurka iyo ilaalinta bulshada ee dawladaha ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka<\/p>\n<p>Xaruntan ayaa ujeedkeedi yahay in ay wax badan ka qabato caqabadaha shaqo la\u2019aanta dhalinyarada iyo sidii dhalinyarada loo siin lahaa tababaro la xiriira suuqa shaqada si ay u horumariyaan xirfadahooda shaqo.<\/p>\n<p>Dawlada Soomaaliya guul-weyn ayay u tahay in ay saxiixdo sharciga xaruntaan oo muhiimad\u00a0 u leh\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Illaa hadda 16 dal oo kamid ah ururka Iskaashiga Islaamka ayaa saxiixay sharciga xaruntaan,waxaana dalalkaasi ka qeybgalaya kalfadhigga ururka ee ka dhacay Azerbaijan kamid ah Jamhuuriyada Ciraaq, Falastiin, Burkino-Faso, Uzbekistan, Jabuuti iyo Jamhuuriyada Soomaaliya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Baku ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku saxeexey sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka. Wasiiru-dawlaha ayaa ka qeybgalay kalfadhigga ururka,kaas oo looga hadlaayey meelmarinta sharciga ee xarun loogu talagalay shaqo abuurka iyo ilaalinta bulshada ee dawladaha ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":502283,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-502281","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502281","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=502281"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502281\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":502284,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502281\/revisions\/502284"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/502283"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=502281"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=502281"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=502281"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}