{"id":502052,"date":"2023-11-21T11:27:54","date_gmt":"2023-11-21T08:27:54","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=502052"},"modified":"2023-11-21T11:27:54","modified_gmt":"2023-11-21T08:27:54","slug":"ha-iska-qeyliyaan-safarku-wuu-soconayaa-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ha-iska-qeyliyaan-safarku-wuu-soconayaa-warbixin\/","title":{"rendered":"\u2018Ha iska qeyliyaan Safarku wuu soconayaa\u2019 (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Howlaha Dowladda ayaa si xowli ah u socda, ha ahaato dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, Deyn cafinta, qaadista Cuneqabateynta iyo dhameystirka Dastuurka Dalka oo la filayo inay soo dhammaadaan inta aan la gaarin sanadka cusub ee 2024-ka, sidaasi awgeed ayay Madaxda ugu sarreysa Dalka ay howlo shaqo ugu kala safreen Dalka dibadiisa iyo gudahiisaba, kuwaasi oo kala leh ujeedooyin iyo muhiimado kala duwan oo dhammaantood is wada kaabaya oo dan u ah Ummadda Soomaaliyeed oo ay heystaan dhibaatooyin ka dhashay Bey\u2019adda sida Abaaraha, daadadka ka dhasha Roobabka iyo Fatahaadaha Webiyada Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada London kaga qeybgalay shirweynaha cunno yarida oo looga hadlayay sidii loo jaangoyn lahaa siyaasadda cuntada adduunka. Shirkaasi oo ay wada shir guddoomiyeen Dawladaha Soomaaliya iyo Ingiriisku ayaa waxaa isugu yimaadeen Dawlado, Ururo caalami ah, saynisyahano, Hey\u2019ado iyo Ganacsato si looga arrinsado dhibaatada cunto yarida adduunka, isaga\u00a0 oo hadal ka jeediyay madasha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshayaal looga hortagayo cunno yarida, isagoo sidoo kale sharraxay dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cunno yarida.<\/p>\n<p>Dhanka kale Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u balanqaaday bulshada ku dhaqan gobolka Gedo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sida uga dhaqsiyaah badan dib ugu dhiseyso qaar ka mid ah Buundooyinka ku burburay Roobabkii ka da\u2019ay gobolka, kadib Kulan uu la yeeshay madaxda dowlad gobaleedka Jubbaland, kan gobolka ayaa waxaa Ra\u2019iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno iyo Guddoomiyaha Hey\u2019adda Maareynta Musiibooyinka. Kulanka Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo madaxda oo ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee guud ahaan degmooyinka gobolka Gedo, oo hadda wajahaya xaaladda adag, ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabkii ka da\u2019ay dalka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa ugu baaqay hey\u2019adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la garab istaago dadka ay saameeyeen Roobabka daadadka wata ee ka da\u2019ay gobolka Gedo, waxa uu kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, maamulka Gobolka Gedo, maamullada degmooyinka iyo waxgaradka deegaanka ayaa soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee guud ahaan degmooyinka gobolka.<\/p>\n<p>\u201cMadaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka Roobka ee barakiciyay kumannaan qoys,\u201d ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku tegay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ayaa shalay kulan kula qaatay Ra\u2019iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak magaaladaasi,\u00a0 iyadoo kadib kulanka laga soo saaray War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu soo bandhigay sida Soomaaliya \u201cay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa\u2019iido waarta\u201d. \u00a0Qoraalka ayaa intaas ku daray in Ra\u2019iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak uu ku dhawaaqay in boqortooyadu ay billaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta Beeraha ee Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhaftay in ay $100 Milyan ay arrintaasi u qorsheeyeen, si wax looga qabto arrimahaasi.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo Aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada Beeraha, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada Beeraha, kuwaasi oo Argagixisada Al-Shabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii Beeraleyda ahaa.<\/p>\n<p>Sidaasi oo jirta ayaa Marka aad u fiirsatid Qoraalada ay siyaasiyiinta soo dhigaan Barahooda Bulshada sida facebook iyo Twitter(X),marka aad akhrisid ma jiraan wax aad ka faa&#8217;iideysid oo aan ka aheyn dhaliil, caay iyo dhibco raadis waxaane u sabab ah ineysan aheyn kuwa isku kalsoon, awoodina karin inay dalka Soomaaliya hogaamiyaan. Hadda waxa miiska saaran oo ay tahay in laga hadlo Go&#8217;aankii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka, in dadka loo sheego dawladihii uu soo maray dalka Soomaaliya ma samayneyso macna sidaas u buuran oo waa laga soo gudbay. Hadda waxa la joogo ayaa ah Dowladda Federaalka Soomaaliya\u00a0 waxa ay rabtaa 2026-ka in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, si looga gudbo doorashada dadban, waxaana kursiga ugu sarreeyo dalka u tartamaayo Laba Xisbi oo kaliya, waxaana meesha ka baxaayo Xilka Ra&#8217;iiysal Wasaaraha.<\/p>\n<p>Taliskii Maxamed Siyaad Barre ma waxa uu ahaay mid shacabka soo doorteen, mase mid ku yimid Afgembi? Dowladda Federaalka Soomaaliya howsha ay rabto ma mid Afgembi ah baa, mase waa mid loo tartamaayo xilka Madaxweynaha?, halkaasi kala soo bax farqiga labada maamul ee aad qoorta isu geliseen, haddii aad tihiin siyaasiyiinta xil doonka ah.<\/p>\n<p>Kuwa Mucaarado Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diideen Go&#8217;aankii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka, laakinse ma aysan soo bandhigin wax lagu bedeli karo midka ay diideen, halkaasi waxaa ka cad inay raali ku yihiin in Doorashada dadban dalka ka shaqeyso oo shacabku u afduubnaado afar oday aan weligood dhergayn. Dalka waa la wada leeyahay ee Mucaaradow waxa aad dadka u soo bandhigtiin waxa lagu bedeli karo Aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada isku raaceen shacabkana u soo bandhigeen haddii aanad wax haynina iska raaca kuwa keenay fikirka lana wada howsha ay wadaan.<\/p>\n<p>Haddaba iyadoo Dowladdu ku tilaabsatay horumarro kala duwan oo la taaban karo oo isugu jira xoreynta Dalka, dhameystirka Deyn cafinta, qaadista Cuneqabateynta, dhammeystirka Dastuurka, jiheynta siyaasadda Dalka IWM, ayay koox danleey \u00a0lagu tilmaami karo ayaa beryahaan Baraha Bulshada wax ku xar xariiqayay, sidaasi awgeed ayaa waxaa jirta <strong>Murti Carbeed oo oraneysa Eeyuhu ka is qayliyaan Safarku wuu soconayaa\u00a0 <\/strong><strong>\u00a0\u0627\u0644\u0643\u0644\u0627\u0628 \u062a\u0646\u0628\u062d \u0648\u0627\u0644\u0642\u0627\u0641\u0644\u0629 \u062a\u0633\u064a\u0631 <\/strong><strong>,<\/strong> marka ha isla qeylieen safarka Dowladda wuu soconayaa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Howlaha Dowladda ayaa si xowli ah u socda, ha ahaato dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, Deyn cafinta, qaadista Cuneqabateynta iyo dhameystirka Dastuurka Dalka oo la filayo inay soo dhammaadaan inta aan la gaarin sanadka cusub ee 2024-ka, sidaasi awgeed ayay Madaxda ugu sarreysa Dalka ay howlo shaqo ugu kala safreen Dalka dibadiisa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":502053,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-502052","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502052","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=502052"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502052\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":502054,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502052\/revisions\/502054"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/502053"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=502052"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=502052"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=502052"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}