{"id":501982,"date":"2023-11-20T13:19:42","date_gmt":"2023-11-20T10:19:42","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=501982"},"modified":"2023-11-20T13:19:42","modified_gmt":"2023-11-20T10:19:42","slug":"maxkamadda-ciidanka-qalabka-sida-oo-u-fariisatay-dhageysiga-xubno-ku-eedeysan-argagixisanimo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/maxkamadda-ciidanka-qalabka-sida-oo-u-fariisatay-dhageysiga-xubno-ku-eedeysan-argagixisanimo\/","title":{"rendered":"Maxkamadda ciidanka Qalabka sida oo u fariisatay dhageysiga xubno ku eedeysan argagixisanimo"},"content":{"rendered":"<p style=\"background: white; margin: 0in 0in 19.5pt 0in;\"><span style=\"font-size: 14.5pt; font-family: 'Georgia',serif; color: #0a0a0a;\">Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda ciidmada Qalabka sida ayaa u fariisatay dhageysiga kiiska xubna katirsan khawaarijta, kuwaas lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho oo dad shacab ah ay ku dhinteen.<\/span><\/p>\n<p style=\"background: white; margin: 0in 0in 19.5pt 0in;\"><span style=\"font-size: 14.5pt; font-family: 'Georgia',serif; color: #0a0a0a;\">Maxkamadda ayaa waxaa lasoo taagay eedeysane lagu magacaabo Yuuqow Caliyow Xaaji oo lagu eedeeyay inuu khawaarijta u qaabilsanaa dhanka amniyaadka, uuna ka howlgalayay caasimadda, gaar ahaan waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.<\/span><\/p>\n<p style=\"background: white; box-sizing: border-box; overflow-wrap: break-word; font-variant-ligatures: normal; font-variant-caps: normal; orphans: 2; text-align: start; widows: 2; -webkit-text-stroke-width: 0px; text-decoration-thickness: initial; text-decoration-style: initial; text-decoration-color: initial; word-spacing: 0px; margin: 0in 0in 19.5pt 0in;\"><span style=\"font-size: 14.5pt; font-family: 'Georgia',serif; color: #0a0a0a;\">Ninkan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay qarax miino oo ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay iyo sidoo kale darawal mooto Bajaajleh ahaa<\/span><\/p>\n<p style=\"background: white; margin: 0in 0in 19.5pt 0in;\"><span style=\"font-size: 14.5pt; font-family: 'Georgia',serif; color: #0a0a0a;\">Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Axmed Cabdalle ayaa sheegay inuu ninka\u00a0 halis ahaa, isla-markaana uu ka shaqeynayay sidii uu u beegsan lahaa dadka shacabka ah ee mara waddadaasi.<\/span><\/p>\n<p style=\"background: white; box-sizing: border-box; overflow-wrap: break-word; font-variant-ligatures: normal; font-variant-caps: normal; orphans: 2; text-align: start; widows: 2; -webkit-text-stroke-width: 0px; text-decoration-thickness: initial; text-decoration-style: initial; text-decoration-color: initial; word-spacing: 0px; margin: 0in 0in 19.5pt 0in;\"><span style=\"font-size: 14.5pt; font-family: 'Georgia',serif; color: #0a0a0a;\">\u201cNinkan wuxuu isku kor dilay laba wiil oo aan qaan gaar ahayn iyo hooyadood waa ninka maalin walba waddada Afgooye aadeyso illaa Muqdisho isku xirto la raadsanaayay inuu qarax dhigo oo uu dad badan ku laayo bis\u201d ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada.<\/span><\/p>\n<p style=\"background: white; box-sizing: border-box; overflow-wrap: break-word; font-variant-ligatures: normal; font-variant-caps: normal; orphans: 2; text-align: start; widows: 2; -webkit-text-stroke-width: 0px; text-decoration-thickness: initial; text-decoration-style: initial; text-decoration-color: initial; word-spacing: 0px; margin: 0in 0in 19.5pt 0in;\"><span style=\"font-size: 14.5pt; font-family: 'Georgia',serif; color: #0a0a0a;\">Maxkamadda waxaa sidoo kale kasoo muuqatay haweeneyd Ruqiyo Jaamac Khayre oo iyana lagu eedeeyay inay hubka u kaydin jirtay argagixasada taas oo laga soo qabtay deegaanada Ceelasha Biyaha,lana shaqeyneysay eedeysanaha.<\/span><\/p>\n<p style=\"background: white; margin: 0in 0in 19.5pt 0in;\"><span style=\"font-size: 14.5pt; font-family: 'Georgia',serif; color: #0a0a0a;\">Xeer ilaalinta ayaa\u00a0 Maxkamadda ka codsatay in eedeysanayaasha lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay \u2018khatar ku ahaayeen\u2019 amniga guud ee dalka.<\/span><\/p>\n<p style=\"background: white; box-sizing: border-box; overflow-wrap: break-word; font-variant-ligatures: normal; font-variant-caps: normal; orphans: 2; text-align: start; widows: 2; -webkit-text-stroke-width: 0px; text-decoration-thickness: initial; text-decoration-style: initial; text-decoration-color: initial; word-spacing: 0px; margin: 0in 0in 19.5pt 0in;\"><span style=\"font-size: 14.5pt; font-family: 'Georgia',serif; color: #0a0a0a;\">Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, G\/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray fadhigan, wuxuuna sheegay in go\u2019aanka ay dib ka shaacin doonaan.<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda ciidmada Qalabka sida ayaa u fariisatay dhageysiga kiiska xubna katirsan khawaarijta, kuwaas lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho oo dad shacab ah ay ku dhinteen. Maxkamadda ayaa waxaa lasoo taagay eedeysane lagu magacaabo Yuuqow Caliyow Xaaji oo lagu eedeeyay inuu khawaarijta u qaabilsanaa dhanka amniyaadka, uuna ka howlgalayay caasimadda, gaar ahaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":495314,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-501982","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501982","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=501982"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501982\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":501983,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501982\/revisions\/501983"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/495314"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=501982"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=501982"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=501982"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}