{"id":501791,"date":"2023-11-18T11:04:30","date_gmt":"2023-11-18T08:04:30","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=501791"},"modified":"2023-11-18T11:04:30","modified_gmt":"2023-11-18T08:04:30","slug":"maxkamadda-ciidamada-qalabka-sida-oo-u-fariisatay-dhageysiga-10-ruux-oo-ku-aadeysan-argagixisanimo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/maxkamadda-ciidamada-qalabka-sida-oo-u-fariisatay-dhageysiga-10-ruux-oo-ku-aadeysan-argagixisanimo\/","title":{"rendered":"Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fariisatay dhageysiga 10-ruux oo ku aadeysan argagixisanimo"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa markale u fariisatay garmaqalka 10-ruux oo ku eedeeysan kamid noqoshada kooxda Khawariijta Al-shabaab.<\/p>\n<p>10-kan ayaa safar u ahaa buuraha Galgala si ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraha sil-siladda ah ee Puntland.<\/p>\n<p>Kiiskan ayaa maanta y fariisatay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana qeyb ka mid ah raggan loo haystaa in ay ka soo dagaallameen deegaannada Ceel-lahelay, Sina-dhaqo, Bacaadweyn iyo qal-qal-gelinta caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.<\/p>\n<p>Baaraha Kiiskan oo Maxkamadda u sharxay ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 7-ka mid ah eedeysanayaashan u socdeen buuraha Gal-gala si ay halkaas uga dagaallmaaaan, Al-shabaabna ay ku biireen bishii lixaad ee sanadkan 2023.<\/p>\n<p>7-ruux oo qaba tababaro kala duwan oo dhanka ciidanka ah waxaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ka dibna waxaa lagu wareejiyay ciidanka Danab, sida uu sheegay baaraha Kiiskan.<\/p>\n<p>Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdicasiis Cusmaan Faarax ayaa maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay khatar ku ahaayeen amniga Dalka.<\/p>\n<p>Qareenka difaacayay eedeysanayaasha ayaa maxkamadda u sheegay in ay muwa-kaliintiisu qorsheynayeen in ay isku soo dhiibaan ciidamada sidaas daraateed la dhaqan-celiyo.<\/p>\n<p>Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo gabo-gabeysay dhageysiga dacwadda, waxayna sheegtay in ay dib ka soo saari doonto go&#8217;aanka 10-kan ruux.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa markale u fariisatay garmaqalka 10-ruux oo ku eedeeysan kamid noqoshada kooxda Khawariijta Al-shabaab. 10-kan ayaa safar u ahaa buuraha Galgala si ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraha sil-siladda ah ee Puntland. Kiiskan ayaa maanta y fariisatay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana qeyb ka mid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":498022,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-501791","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501791","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=501791"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501791\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":501792,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501791\/revisions\/501792"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/498022"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=501791"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=501791"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=501791"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}