{"id":501556,"date":"2023-11-15T10:47:03","date_gmt":"2023-11-15T07:47:03","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=501556"},"modified":"2023-11-15T10:47:03","modified_gmt":"2023-11-15T07:47:03","slug":"madaxweynayaasha-shiinaha-iyo-mareykanka-oo-maanta-kulmaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynayaasha-shiinaha-iyo-mareykanka-oo-maanta-kulmaya\/","title":{"rendered":"Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Mareykanka oo maanta kulmaya"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay dalka Mareykanka muddo lix sano ah,kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in hadafka uu ka leeyahay wada-hadallada laba geesoodka ah ee toddobaadkaan uu yahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen xiriirkii caadiga ahaa ee ay la lahaayeen Beijing,<\/p>\n<p>Xi ayaa lagu wadaa inuu maanta San Francisco \u00a0kula kulmo Biden, ka hor inta uusan ka qeybgalin shir madaxeedka sanadlaha ah ee 21-ka xubnood ee iskaashiga dhaqaalaha Aasiya Pacific-ga (APEC).<\/p>\n<p>Shir-madaxeedkan ayaa daba socdaa shirar heersare ah oo lagu diyaarinayey gogol xaadhka, ka dib markii ay xiisad la xiriirtay arrimaha ganacsiga, xuquuqal insaanka iyo kuwo kale ay soo kala dhex-galeen Mareykanka iyo Shiinaha.<\/p>\n<p>Biden ayaa u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad in hadafkiisu uu yahay inuu hagaajiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Shiinaha.<\/p>\n<p>Waa booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago Mareykanka tan iyo 2017 markaas oo uu la kulmay madaxweyne Donald Trump.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay dalka Mareykanka muddo lix sano ah,kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in hadafka uu ka leeyahay wada-hadallada laba geesoodka ah ee toddobaadkaan uu yahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen xiriirkii caadiga ahaa ee ay la lahaayeen Beijing, Xi ayaa lagu wadaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":501558,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-501556","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501556","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=501556"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501556\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":501557,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501556\/revisions\/501557"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/501558"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=501556"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=501556"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=501556"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}