{"id":501486,"date":"2023-11-13T20:32:10","date_gmt":"2023-11-13T17:32:10","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=501486"},"modified":"2023-11-13T20:46:27","modified_gmt":"2023-11-13T17:46:27","slug":"madaxweynaha-jfs-muhiimadda-golaha-wasiirrada-maanta-ayaa-ah-samatabixinta-nolosha-qofka-soomaaliga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-jfs-muhiimadda-golaha-wasiirrada-maanta-ayaa-ah-samatabixinta-nolosha-qofka-soomaaliga\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha JFS \u201cMuhiimadda Golaha Wasiirrada maanta ayaa ah samatabixinta nolosha qofka Soomaaliga.\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shirguddoomiyey kulan degdeg ah oo ay yeesheen golaha wasiirada ayaa ku booriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan maareynta iyo gurmadka muwaadiniinta ku dhibaatoobay daadadka<\/p>\n<p>Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligaan muhiimadda ugu weyn ay tahay samatabixinta nolosha qofka Soomaaliga, isaga oo sheegay in xilligaan adag loo baahan yahay in mas\u2019uuliyadda sida ay tahay loo qaato.<\/p>\n<p>\u201cMas\u2019uuliyad ayaa na saaran, mas\u2019uuliyadda na saaran sida ay tahay in aan u qaadanno waaye, tabartu waa halkeeda, tabartu haddii ay nagu gaabato laakiin inta aan qaban karno ayaa aad u badan, marka howshaas haloo wada istaago, muhiimadda Golaha Wasiirrada maanta ayaa ah samatabixinta nolosha qofka Soomaaliga ah,\u201d sida uu yiri Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shaqada ay hayso hay\u2019adda maareynta musiibooyinka Qarank ee Sodma, isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, \u201cSodma way ku mahadsantahay wacyigalinta, hasii kordhiso, dadka halooga digo meelaha ay khatarta leh in ay ka dhaqaaqaan.\u201d<\/p>\n<p>Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay daadadka ka dhashay Roobabkii ka da\u2019ay qaar ka mid ah gobollada dalka.<\/p>\n<p>Hadalkaan ayuu Madaxweynaha maanta ka jeediyey shir degdeg ah uu la yeeshay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray saameynta ay reebeen Roobabkii ka da\u2019ay dalka iyo sida loogu gurman lahaay dadkii ay saameeyeen.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shirguddoomiyey kulan degdeg ah oo ay yeesheen golaha wasiirada ayaa ku booriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan maareynta iyo gurmadka muwaadiniinta ku dhibaatoobay daadadka Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligaan muhiimadda ugu weyn ay tahay samatabixinta nolosha qofka Soomaaliga, isaga oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":501487,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-501486","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501486","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=501486"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501486\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":501492,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501486\/revisions\/501492"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/501487"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=501486"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=501486"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=501486"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}