{"id":501236,"date":"2023-11-11T20:35:09","date_gmt":"2023-11-11T17:35:09","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=501236"},"modified":"2023-11-11T20:35:09","modified_gmt":"2023-11-11T17:35:09","slug":"raiisul-wasaare-xamsa-nus-milyan-soomaali-ah-ayaa-banaanka-tuban-oo-guryahooda-ka-baxay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-xamsa-nus-milyan-soomaali-ah-ayaa-banaanka-tuban-oo-guryahooda-ka-baxay\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa &#8221; Nus milyan Soomaali ah ayaa banaanka tuban oo guryahooda ka baxay&#8221;."},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya kaas oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee dalka ka da\u2019ay.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisal Wasaare Xamsa ayaa sheegay inay heleen labo fariin oo muhiim, kuwaas oo ka yimid shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, fariimahaas oo kale ah in wax laga qabto daadadka ka dhashay roobabka ka da\u2019ay magaalada ee xiray waddooyinka qaar iyo in la qaado dhagaxyada ku xiran waddooyinka caasimada, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, maaddaama amniga magaalada Muqdisho uu soo hagaagay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Ra\u2019iisal Wasaare Xamsa ayaa sheegay in daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee dalka ka da\u2019ay ay dhibaato u geysteen dad ka badan <strong><em>nus milyan, kuwaas oo ka barakacay guryihii ay ku noolaayeen.<\/em><\/strong><\/p>\n<p>\u201cWaxaa dhibaato weyn oo roobku geystay ka jirta <em>illaa \u00a0labaatan iyo dhowr degmo oo dalka kamid ah,<\/em> waxaan cabsi weyn ka qabta in Wabiga shabeelle uu yimaado uu qaado dadka reer Beledweyne iyo magaalooyinka kale ee dhaca Wabiga jiinkiisa. Waxaan la nool nahay barwaaqo iyo dhibaato aan isku tagi karin\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisal Wasaare Xamsa.<\/p>\n<p>Mudane xamse oo khubaddiisa kaga hadlay dhinaco fara badan ayaa xusay in dhibaatooyinka dalka ka jira ee looga faa\u2019ideysan la\u2019yahay kheyraadka dalka dhex ceegaaga inay kamid yihiin <em>xasilooni daro, colaadda iyo dhibaatooyin kale,<\/em> waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay isbeddal dhab ah iyo in qofka Soomaaliga ah la yimaado maskax togan iyo hab feker ku dhisan mustaqbalka dalka.<\/p>\n<p>Wuxuu amray ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaannada ay saameeyeen roobabka inay si deg deg ah uga qeyb qaataan gurmadka dadka nugul ee waayeelka, haweenka iyo carruurta isugu jira.<\/p>\n<p>\u201cCiidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ee ku sugan deegaannada ay saamaysay roobabka waa inay si degdeg ah qayb uga qaataan gurmadka dadka nugul ee waayeelka iyo caruurta isugu jira\u201d, ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan gelisay sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee guryahooda uga barakacay daadadka iyo sidii loo badbaadin lahaa kuwa ku xaniban biyaha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya kaas oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee dalka ka da\u2019ay. Ra\u2019iisal Wasaare Xamsa ayaa sheegay inay heleen labo fariin oo muhiim, kuwaas oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":38,"featured_media":501237,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[1074],"class_list":{"0":"post-501236","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka","9":"tag-raiisul-wasaare-xamsa-nus-milyan-soomaali-ah-ayaa-banaanka-tuban-oo-guryahooda-ka-baxay"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501236","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/38"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=501236"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501236\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":501238,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501236\/revisions\/501238"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/501237"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=501236"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=501236"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=501236"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}