{"id":501159,"date":"2023-11-11T11:33:47","date_gmt":"2023-11-11T08:33:47","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=501159"},"modified":"2023-11-11T12:07:51","modified_gmt":"2023-11-11T09:07:51","slug":"30-ruux-oo-ku-dhintay-nus-malyanna-waa-ku-barakacday-daadadka-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/30-ruux-oo-ku-dhintay-nus-malyanna-waa-ku-barakacday-daadadka-warbixin\/","title":{"rendered":"30 Ruux oo ku dhintay, Nus Malyanna waa ku barakacday Daadadka (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda, waxaa jira saameyn ka dhalatay fatahaadda Webiga iyo Roobabkii cuslaa ee da\u2019ayay maalmahan, waxaa gabaabsi ah helitaanka Cunnada, Daawada iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha, iyo isu socodka Dadka,iyadoo ay xiran yihiin dhammaan Waddooyinkii soo galayay magaalada Baardheere iyo deegaannada ku xeeran, waxaana la soo wareniayaa in gabi ahaanba go\u2019day Buundadii Degmada Baardheere, sida laga soo xigtay Masuuliyiinta Degmadaasi.<\/p>\n<p>Tuulooyinka ugu daran ee dadkii degganaa una badnaa Beeraley ayaa ka barakacay, waxayna kala yihiin:-\u00a0\u00a0 Shimbiroole, Beel la ooday, Hureenaa, Lebi ooman, Dhakaajo, Xagar buulle, Mugdiile, Buulo caddey, Bullo Asharaaf, Beladul Amiin, Xagar gandooble, Baciidley, Bulsho, Lebi cad, Dhoobley,Tawakal, Bilisyar iyo kuwa kale, waxaana lagu soo waramayaa in ku dhowaad todobaad istaagay dadka, Gaadiidka iyo Xoolaha isaga oo\u00a0 kala gooshayay degmada Baardheere iyo deegaannada hoos taga, waxaanay biyaha la tageen dalagyadii soo go\u2019ayay, iyadoo 11 ka mid ah 12-ka xaafadood ee Baardheere ayaa laga barakacay, waxana xirmay dhammaan goobihii ganacsi ee magaalada, mana jiraan wax gurmad ah oo gaaray halkaasi.<\/p>\n<p>Daadadka ka dhashay Roob xooggan iyo fatahaadda Webiyada dalka ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Degmooyinka uu aadka u saameeyay Daadadkaasi Degmooyinka Luuq, Dooloow, Cel-waaq oo ka tirsan Gobolka Gedo, \u00a0waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale, waxaana lagu soo waramayaa in Dadka qaar ay ugu sii daran tahay in \u201cDadku meel ay wax ku karsadaan ay la&#8217; yihiin\u201d.<\/p>\n<p>Waxaa go\u2019day Buundadii Baardheere oo halbowla u aheyd isku socodka degmooyinka gobolka Gedo, ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabka ka da\u2019ay guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado. Buundada ayaa iska celin weysay xajmiga biyaha Webiga oo fatahaad sameeyay, taas oo sawir guud ka bixinaysa khatarta ka dhalatay fatahaadda ku dhuftay gobolka Gado, xilli 4 qof ay ku dhinteen daadadka Shacabka ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa walwal xooggan ka muujiyay go\u2019doonka ay ku jiraan waxaana la gaarsiisay laba dooni oo ka qeyb qaadan doonta gurmadka dadka ku go\u2019doonsan xaafadaha magaalada.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland oo ka hadlayay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka ayuu sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay, halka dadka barakacay guud ahaan Jubaland ay yihiin 90,000 oo Qoys, waxaana hadda go\u2019doonsan dad gaaraya 70,000 oo Qoys, kuwaasi oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro, wuxuuna intaasi ku daray in dad gaaraya 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey ayuu Madaxweynuhu sheegay in 6 qof ay ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa la soo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubbada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof.<\/p>\n<p>Guud ahaan inta la xaqiijiyay, tirada dadka fatahaadaha ay saameeyeen waa sida soo socota:- Tirada saameynta tooska ah ku yeelatay 1 Malyan (1.000,000) qof, \u00a0halka Dhimashada guud ay tahay 30 qof, Dadka ku barakacay ayaa iyana lagu sheegay 500,000 qof. Si gaar ah, xaalad adag ayaa ka jirta labada maamul-goboleed ee kala ah Jubbaland iyo Koonfur galbeed gaar ahaan gobollada kala ah: Gedo, Baay iyo Bakool oo ay dad ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen, isla markaana ay ku hanti beeleen.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa jira khatar ku aadden fatahaado Webiyada iyo Daadad ay keenaan Roobab ee ka da\u2019ay dalka, sida lagu ogaaday saadaallo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taasi oo na-tusineysa in Roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di\u2019i karaan qeybo ka mid ah dalka, Dadka ku dhintay Roobka iyo fatahaadaha waa in ka badan 30 ruux, waxaana ku barakaceen nus malyan dad ah&#8221;.\u201d Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, mar uu ka hadlayay Salaadda Jimcaha kadib Masjid, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira Roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay ka saameeyaan dalka oo ka badan inta haatan la soo sheegayo.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan Webiyada jiinkooda iyo kuwa meelaha gudan degan, kuwaasi oo halis gaara ugu jira daadad xoogga leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha Webiga iyo dhulalka godan, wuxuuna ugu dambeyn ku booriyay Hey\u2019adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey\u2019adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka la soo werinayo, islamarkaana waxa uu ku adkeeyay Madaxada iyo khuburada hey\u2019adda SODMA in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo tan ka sii daran oo dadkeenna ka soo gaari karta Roobabka iyo fatahaadaha kaleba.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay in xaalad halis ah uu ku jiro gobolka Gado, gaar ahaan degmooyinka; Doowlow, Baardheere, Luuq, Buurdhubo, garbahaarey, oo uu sheegay in ay dadka qaar ay go\u2019doomeen, sidoo kale waxa uu xusay garoomadii ku yiilay in ay dhammaantood wada xirmeen, Dhanka dowlad gobaleedka Jubbaland Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ay ku soo rogmadeen togog kuwaasi oo xusay in ay geysteen khasaare kala duwa.<\/p>\n<p>Dhanka deegaannada Koonfur Galbeed ayuu sheegay in laga soo warinaya xaalad halis ah, iyada oo magaalooyinka Baydhabo, Buurhakaba, Ceelbarde, Raqdhuube iyo Waajid laga soo warinaya xaalad la mid ah kuwa magaalooyinka kale, iaagoo intaasi raaciyay in Webiga Shabeelle laga cabsi qabo in uu fataho, kaasi oo biya badan uu soo wado, taasi oo keentay in dadka qaar ay hadda bilaabeyn in ay sii diyaar garoowaan, ugu dambeyn Ra\u2019iisul Wasaaraha ku xigeenka dalka ayaa sheegay in Xukuumadda ay iska saartay qaar ka mid golaha Wasiirrada, kuwaas oo ka kala socday Wasaaradaha; Arrimaha gudaha, Caafimaadka, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Ciidanka iyo Duulimaadka.<\/p>\n<p>Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa Soomaaliya ugu deeqday in ku dhow 5 Malyan oo Doolarka Maraykanka ah, waxaana Dowladda Soomaaliya guddoonsiisay Hey\u2019adda ka hortagga Gaajada( Action against Hunger), lacagtaasi oo loogu talagalay in lagula tacaalo Dadka ku waxyeeloobay Daadadka ka jira Dalka, waxaa kaloo jirta in Hey\u2019adda IOM ay hore ugu deeqday Soomaalida lacag gaareysa 4 Milyan oo Doolar oo ku aadan wax u qabashada dadyowga ku barakaca Fatahaadaha iyo Daadadka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii Dowladda Soomaliya oo Digniin ka soo saartay Fatahaadda uu sameyn doono Webiga Shabeelle, \u00a0Ra\u2019iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shir jaraa\u2019id ku qabtay xarunta Heya\u2019adda maaraynta masiibooyinka ayaa ka digay Fatahaad waxyeelo sababi karta oo uu saameyn doono Webiga Shabeelle maalmaha Fooda inagu soo haya.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaare Saalax ayaa Shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Webiga Jiinkiisa ah iyo sidoo kale Goobaha Webigu ku sameeyo fatahaada xiliyadda Roobabka, sidoo kale Ra\u2019iisul wasaare xigeenka ayaa sheegay in gobolada u direen Doomo lagu badbaadinayo Shacabka, ugu dambeyntiina wuxuu Ra\u2019iisul wasaare kuxigeenku baaq u diray in qurbejoogga, Ganacsatada iyo cid walba ka qayb qaadato gurmadka loo fidinayo Shacabka Waxyeeladdu ka soo gaartay Roobabka iyo Fatahaadaha Webiyadda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys ay ka barakacaan guryahooda, waxaa jira saameyn ka dhalatay fatahaadda Webiga iyo Roobabkii cuslaa ee da\u2019ayay maalmahan, waxaa gabaabsi ah helitaanka Cunnada, Daawada iyo adeegyada kale ee aas aasiga u ah nolosha, iyo isu socodka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":501166,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-501159","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501159","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=501159"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501159\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":501163,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501159\/revisions\/501163"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/501166"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=501159"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=501159"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=501159"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}