{"id":501130,"date":"2023-11-10T18:54:31","date_gmt":"2023-11-10T15:54:31","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=501130"},"modified":"2023-11-10T18:54:31","modified_gmt":"2023-11-10T15:54:31","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-ka-qayb-galay-madasha-iskaashiga-sucuudiga-iyo-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-ka-qayb-galay-madasha-iskaashiga-sucuudiga-iyo-afrika\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika"},"content":{"rendered":"<p>Riyaad(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga walaalaha Falastiin iyo joojinta duqeynta ka socota Qasa.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-galayaan gobolka iyo qaaradda iyadoo ay barbar socdaan dib u dhiska dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta hay\u2019adaha dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey garab-istaagga iyo iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta xiriirka labada dhinac.<\/p>\n<p>\u201cLaga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno caalamka dhanka beeraha, kheyraadka xoolaha, tan kheyraadka cagaaran, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo hal abuurka tignoolajiyadda.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Sucuudigu ayaa kula dardaarmay Madaxda ka soo qeyb-gashay madashan in ay la fil noqdaan caqabadaha iyo duruufaha ku xeeran qaaradda, miisaanna u yeelaan Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-501133\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631372161-300x192.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"192\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631372161-300x192.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631372161.jpg 720w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-501134\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631369861-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631369861-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631369861-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631369861-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631369861-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631369861.jpg 721w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-501135\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631361257-2-300x172.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"172\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631361257-2-300x172.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631361257-2.jpg 720w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-501136\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631367711-300x193.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"193\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631367711-300x193.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/FB_IMG_1699631367711.jpg 720w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Riyaad(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga walaalaha Falastiin iyo joojinta duqeynta ka socota Qasa. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-galayaan gobolka iyo qaaradda iyadoo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":501131,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-501130","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501130","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=501130"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501130\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":501137,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/501130\/revisions\/501137"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/501131"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=501130"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=501130"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=501130"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}