{"id":500968,"date":"2023-11-07T20:40:20","date_gmt":"2023-11-07T17:40:20","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=500968"},"modified":"2023-11-07T20:40:20","modified_gmt":"2023-11-07T17:40:20","slug":"hayadda-maaraynta-musiibooyinka-oo-ka-warbixisay-qasaaraha-fatahaadaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hayadda-maaraynta-musiibooyinka-oo-ka-warbixisay-qasaaraha-fatahaadaha\/","title":{"rendered":"Hay&#8217;adda maaraynta musiibooyinka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): War-saxaafadeed ka soo baxay hay&#8217;adda maaraynta musiibooyinka ayey ku sheegtay in bilowgii bisha Oktoobar 2023, guud ahaan dalka waxaa ka curtay roobka Deyrta, inta badan roobka ayaa si xooggan uga da\u2019ay gobolada qaar ee dalka. Roobkaan ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, wuxuuna sababay in inta badan magaalooyinka go\u2019doomaan, halka kuwa kalena waddooyinka ka xermaan taas oo saameysay isku socodka xaafadaha iyo goobaha dadweynaha. Khasaaraha ayaa isugu jira dhimasho, barakac iyo bur-bur hantiyadeed.<\/p>\n<p>Inta la xaqiijiyay, tirada dadka fatahaadaha ay saameeyeen waa sida soo socota:-<\/p>\n<p>Tirada saamaynta tooska ah ku yeelatay 850,000 qof.<\/p>\n<p>1. Dhimashada guud 29 qof.<\/p>\n<p>2. Dadka ku barakacay 305,000 qof<\/p>\n<p>Roobabkaan ayaa si xooggan uga da\u2019ay Koofurta iyo Bartamaha dalka gaar ahaan Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.<\/p>\n<p>Si gaar ah, xaalad adag ayaa ka jirta labada mgoboleed ee kala ah Jubaland iyo Koonfur galbeed gaar ahaan gobollada kala ah: Gedo, Baay iyo kool oo ay dad ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen isla markaana ay ku hanti beeleen.<\/p>\n<p>M, Goboleedka Gobolka Magaalada<\/p>\n<p>Jubaland State Gedo Luuq, Dolow, Garbahaarey, Baardheer, Ceelwaaq.<\/p>\n<p>Jubada hoose Afmadow, Jamaame<\/p>\n<p>Koofur Galbeed: Bay Baydhabo, Buurhakaba, Bardaale, Qansax Dheere<\/p>\n<p>Bakool Xudur, Rabdhuure,<\/p>\n<p>Hirshabelle: Hiraan Baledweyn iyo qaarka mid ah deeganada Hoostaga<\/p>\n<p>Shabeelaha dhexe: Jowhar iyo deeganada hoostaga<\/p>\n<p>Galmudug:\u00a0 Mudug Gaalkacyo<\/p>\n<p>Galgaduud Dhusamareeb, Cadaaddo<\/p>\n<p>GURMADKA HEY\u2019ADA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA :<\/p>\n<p>Hay\u2019adda maareynta musiiboyinka qaranka oo ka jawaabeysa fatahaadaha ka dhacay dalka qeybihiisa kala duwan ayay manta si dagdag ah udiyaarisay agabyo kala duwan ku waasoo isugujira rashiin tiradiisu gaaraysa in ka badan sadex boqol oo qoys.<\/p>\n<p>Sida oo kale waxa ey hay\u2019adda SoDMA gaarsiisay hal doon iyo laba matoor magalada Luuq iyada oo kaashaneysa Qaramada Midoobe ,kuwaaso lagu badbaadinayo dadka ey ku go\u2019donsan musiibada daadadka . hay\u2019addu waxaa kaloo ey diyaarisay daawooyin lagaga hortagayo cudurada kadhasha biyaha.<\/p>\n<p>BAAQ<\/p>\n<p>Waxaan baaq u dirayanaa shacabka Soomaliyeed, Ganacsatada,Culimada,Dowlada Federalka Somaliya iyo Hay\u2019addaha aan dowliga ahayn ee ku howlan arimaha bini-aadanimada in ay Dar-dar Galiyaan gurmadka iyo taageeradooda ku aadan xaaladan adag ee ay bulshada Soomaaliyeed ay xiligan wajahayso.<\/p>\n<p>Sida aan la socono xiligan Dayrtu, wali waa bilow, waxayna saadaashu sheegeysaa in ay xaaladu ka sii dari-doonto sida ay hada tahay, Haddaba waxaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan uugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan wax kasta oo khatar galinkara naftooda iyo Maalkooda.<\/p>\n<p>Soojeedin<\/p>\n<p>Ugu danbeyn Waxaa bulshada Soomaaliyeed aan u soo jeedinayaa in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha digniinaha ah ee ka soo baxaya Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka iyo Hay\u2019addaha kale ee Dowlada iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya arimaha ka hortaga musiibooyinka dalka ka dhaca.<\/p>\n<p>DHAMAAD<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): War-saxaafadeed ka soo baxay hay&#8217;adda maaraynta musiibooyinka ayey ku sheegtay in bilowgii bisha Oktoobar 2023, guud ahaan dalka waxaa ka curtay roobka Deyrta, inta badan roobka ayaa si xooggan uga da\u2019ay gobolada qaar ee dalka. Roobkaan ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, wuxuuna sababay in inta badan magaalooyinka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":495702,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-500968","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500968","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=500968"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500968\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":500969,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500968\/revisions\/500969"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/495702"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=500968"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=500968"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=500968"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}