{"id":500913,"date":"2023-11-07T13:11:34","date_gmt":"2023-11-07T10:11:34","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=500913"},"modified":"2023-11-07T13:15:17","modified_gmt":"2023-11-07T10:15:17","slug":"roobabkii-ugu-dambeeyay-goballada-ka-daay-maka-muuqdaa-raadadka-el-niino","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/roobabkii-ugu-dambeeyay-goballada-ka-daay-maka-muuqdaa-raadadka-el-niino\/","title":{"rendered":"Roobabkii ugu dambeeyay ee ka da\u2019ay gobollada maka muuqdaa raadadka El-niino"},"content":{"rendered":"<p><strong>Roobabkii ugu dambeeyay Gobalada dalka Soomaaliya ka da\u2019ay, maka muuqdaa Raadadka El-niino, maxaa qasaara ah oo ka dhashay ilaa iyo hada.<\/strong><\/p>\n<p>Waa maxey El-niino?<\/p>\n<p>Khubaro\u00a0 ku xeeldheer arrimaha cimillada iyo saadasha Hawada waxey ku qeexan <strong>El Ni\u00f1o<\/strong> inay tahay dhacdo la xiriirta diirimaadka biyaha bariga Baasifigga meertada ah, oo dhacda saddexdii ama sideedii sano mar la arag ah oo socoto 8-deed ilaa iyo qiyaastii 10-bilood.<\/p>\n<p>Waa wajiga diiran ee qaabka cimilada dhulbaraha ee loo yaqaan &#8216;El Ni\u00f1o-Southern Oscillation&#8217;, ENSO oo loo soo gaabiyay. Waa dhacda gunteeeda sababa waxyeello aan lasoo koobi karin oo culus oo ka tibaaxaysa aagagga ku-meel-gaarka ah iyo bartamaha, inta badan roobabka culus ee da&#8217;aya awgood oo mahiigan ah.<\/p>\n<p>Weli ma cadda sida ay ifafaalahan u soo ifbaxayaan, balse\u00a0 Xeeldheere saadaasha hawada Jacob Bjerknes (1897-1975) wuxuu isku xiray heerkulka sare ee dusha sare ee badda iyo dabeylo daciif ah oo ka imanaya bariga iyo roobab xoog leh oo la socda \u201c -xigasho meteorologiaenred.com\u201d<\/p>\n<p><strong>Maxaa lagu Ogaadaa El-niino?<\/strong><\/p>\n<p>Waa maxay cawaaqibyada iyo waxyeellada ay geysan karto? Aaad ayey muhiim u tahay in la helo habraacyo lagu ogaan karo waqtiga. Sidaa darteed, tallaabooyin ku habboon ee la qaadi karo si looga fogaado tirada ugu badan ee suurtogalka ah ee dhimashada.<\/p>\n<p>Waayo,\u00a0<strong>dayax gacmeedyada, buul biyoodka sabeynaya ayaa la adeegsadaa oo badda ayaa lagu lafa guraa<\/strong>\u00a0si loo ogaado sida ay\u00a0 xaaladaha dusha sare ee badaha aagga dhul-baraha ay soo bandhiga, waxaana raaca dabaysha ayaa la baaraa maxaa yeelay, sidaan horay u soo sheegnay, isbeddelka dabayshu wuxuu noqon karaa tilmaan in dhacdada El Ni\u00f1o ay dhici doonto.<\/p>\n<p>Oktoobar-Noofambar-December (OND) ee Bariga Afrika waxaa si weyn u saameeya laba ifafaale: El Ni\u00f1o Southern Oscillation (ENSO) iyo Badweynta Hindiya (IOD) ENSO waxaa lagu gartaa kulayl aan caadi ahayn ama qaboojinta Heerkulka Dusha Badda (SSTs) ee ka sarreeya bartamaha iyo bariga equatorial Badweynta Baasifigga.<\/p>\n<p>Inta lagu jiro El Ni\u00f1o (wejiga diirran ee ENSO), SST-yada ka sarreeya bartamaha iyo bariga badweynta Baasifigga waxay noqdaan kuwo ka kulul sidii caadiga ahayd, <strong>icpac.net, <\/strong>waxeyna sheegaysaa\u00a0 jaan-tuska in maalmaha soo socda ay da\u2019ayaan roobab xooggan oo lagu qiyaasay <strong>40% ilaa 60%<\/strong> isla markaana wata daadad ka badan kuwa dhacay, waxeyna roobabka ka di\u2019i doona kenya, koofurta Itoobiya iyo Koofurta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Saacadahii ugu dambeeyay iyo maalmahan waxaa koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa ka Da\u2019ayey\u00a0 Roobab mahiigan ah oo dabeylo wato, sidoo kale Saameyn wayn u geystay magaalooyin iyo tuulooyin dhaca Baay, Gado, Hiiran iyo magaalooyin kale.<\/p>\n<p><strong>Maxaa Qasaare ka dhacashay oo ay dowladda Shaacisay?<\/strong><\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay qasaaraha dhimasha ka dhashay roobabkii da\u2019ay maalmahii ugu dambeeyay ka da\u2019ayey gobalada Koofurta Soomaaliya ay gaarayso 10 ruux oo ay ku jiraan laba gabdhood oo 14-jir ah iyo wiil 18 jir ahaa, waxayna dhimashada ka dhacday deegannada dowlad gobaleedyada Jubbalanad, sida ay xaqiijiyeen dadka deegganka.<\/p>\n<p>Iyada oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay&#8217;addaha gargaarku waddaan deddaallo xooggan oo ay ku wajahayaan dhibaatooyinka ka dhashay roobabkan mahiigaanka ah ee ka socda goballada dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Raadad noocee ah ayay bulshada ku reebayaan roobabkan<\/strong><\/p>\n<p>Daadadka ka dhashay El-noiino waxay horseedeen in burbur xooggan ay u geystaan waddooyinka, in la geli waayo guryaha, maciishada aas-aasiga u ah bulshada oo cirka isku shareertay, adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo korontada oo istaagay.<\/p>\n<p>Waxaa billowday barakaca dadka gaar ahaan kuwooda ugu taagta daran caruurta, waayeelka iyo haweenka, kuwaas oo aan awood badan u lahayn waxa socda.<\/p>\n<p>Waxaa kaloo xusid mudan carrurutii in ay waayeen oo ay meesha ka baxday waxbarashadii, sidoo kalena Elnino ayaa dhibaato xooggan u geysatay kaabayaasha dhaqaalaha oo ahmiyad wayn u leh bulshooyinka.<\/p>\n<p>Haweenka iyo carruurtu waxay markii horeba ka ahaayeen in ka badan 80% dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Bulshooyinka deggan dhulalka ay maraan Webiyadda maxaa la gudboon?<\/strong><\/p>\n<p>Hay\u2019addaha dowliga labada heer iyo mid dowlad hoose, bulshada kuwa hormuudka u ah iyo warbaahintuba waxaa la gudboon in ay door wanaagsan ka qaataan wacyi gelinta bulshada, sida in ay u hoggaasamaan farriimaha kala duwan ee ay soo saarayaan hay\u2019adaha saadaasha hawada ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.<\/p>\n<p>Soomaaliya waa dal nugal oo la qabsaday xaaldaha fatahaadda iyo musiibooyinka dabiiciga ah, khubarada ku xeeldheer arrimaha Isbeddalka cimillada iyo saadaasha hawada waxay hoosta ka xariiqayaan in ay adag tahay in Soomaaliya ay maarayn sax ah la imaan\u00a0 karto, iyagoo ku sababeeyay hay\u2019adaha dowladda iyo kuwa Sama falka oo si cad aan iskaga waramin qaabka ay u wajahayaan xaaladda El-niino oo raadadkeedu muuqdaan.<\/p>\n<p>Haddaba, waa kuma\u00a0 cidda u maqan bulshada sidaas oo kale kuwa ku dad iyo hanti beelay roobabkan mahiigaanka ah?<\/p>\n<p><strong>Abdirashid Nur Ibrahim. <\/strong><\/p>\n<p><strong>Climate Advocate, Communication\/Media Expert HOA.<\/strong><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-500915 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/EL1.png\" alt=\"\" width=\"830\" height=\"622\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/EL1.png 830w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/EL1-300x225.png 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/EL1-768x576.png 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 830px) 100vw, 830px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-500916 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El2.jpg\" alt=\"\" width=\"1257\" height=\"261\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El2.jpg 1257w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El2-300x62.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El2-1024x213.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El2-768x159.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El2-860x179.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1257px) 100vw, 1257px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-500917 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El3.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El3.jpg 960w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El3-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El3-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El3-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El3-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El3-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/11\/El3-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Roobabkii ugu dambeeyay Gobalada dalka Soomaaliya ka da\u2019ay, maka muuqdaa Raadadka El-niino, maxaa qasaara ah oo ka dhashay ilaa iyo hada. Waa maxey El-niino? Khubaro\u00a0 ku xeeldheer arrimaha cimillada iyo saadasha Hawada waxey ku qeexan El Ni\u00f1o inay tahay dhacdo la xiriirta diirimaadka biyaha bariga Baasifigga meertada ah, oo dhacda saddexdii ama sideedii sano mar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":500914,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-500913","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500913","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=500913"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500913\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":500921,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500913\/revisions\/500921"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/500914"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=500913"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=500913"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=500913"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}