{"id":500614,"date":"2023-11-02T14:28:33","date_gmt":"2023-11-02T11:28:33","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=500614"},"modified":"2023-11-02T14:47:50","modified_gmt":"2023-11-02T11:47:50","slug":"raiisul-wasaare-xamsa-xamaas-argagixiso-ma-ahan-waa-urur-xoreynayo-dalkooda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-xamsa-xamaas-argagixiso-ma-ahan-waa-urur-xoreynayo-dalkooda\/","title":{"rendered":"Ra&#8217;iisul Wasaare Xamsa: Xamaas argagixiso ma ahan, waa Urur xoreynayo dhulkooda"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanu ahayn urur argagixiso, uuna yahay Urur xoreynayo dhulkooda, isagoo ku baaqay in lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo xal laba dawladood ah.<\/p>\n<p>Mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Sheekh C\/qaadir Al-Jilaani oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa yiri: \u201cWaxaa nasiib darro ah in la arko caalamka oo ka aamusan waxa ka socda magaalada Gaza oo 15-kii daqiiqoba hal cunug oo Falastiini ah ayaa ku dhinto,taas oo ka dhalatay duqeynta ay ciidamada Israa\u2019iil u geysteen dad rayid ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka reer Falastiin\u201d.<\/p>\n<p>Ra&#8217;iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hadalkiisa ku daray &#8220;Dowladihii u doodi jiray xuquqda insaanka ayaa ka aamusan oo ku taageersan in carruur ,haween iyo dad aan waxba galabsan in ay ku baa\u2019biso Israa\u2019iil hub nuucay rabto, iyadoo uu aduunku daawaanayo,waxaa ay gaartay Israa\u2019iil in ay bartilmaameedsato gaadiidkii caafimaadka iyo dhakhaatirtii,isbitaalkii&#8221;.<\/p>\n<p>Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in reer Gaza laga jaray biyihii, korontadii iyo cunadii oo ay ka hor istagtay Israa\u2019iil, isagoo tilmaamay in xaaladda ka jirta magaalada ay tahay mid adag, waxuuna is waydiiyay halka ay jiraan kuwa u dagaalami jiray xuququl insaankii dadka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanu ahayn urur argagixiso, uuna yahay Urur xoreynayo dhulkooda, isagoo ku baaqay in lagama maarmaan ay tahay in la sameeyo xal laba dawladood ah. Mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Sheekh C\/qaadir Al-Jilaani oo lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":52,"featured_media":500617,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-500614","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500614","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/52"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=500614"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500614\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":500623,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500614\/revisions\/500623"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/500617"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=500614"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=500614"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=500614"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}