{"id":500211,"date":"2023-10-28T20:04:01","date_gmt":"2023-10-28T17:04:01","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=500211"},"modified":"2023-10-28T20:04:01","modified_gmt":"2023-10-28T17:04:01","slug":"wasiirka-awqaafta-iyo-arrimaha-diinta-ee-xfs-oo-sheegay-in-isbeddal-uu-ku-yimid-diyaargarowga-xajka-ee-sanadka-1445-2024","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-awqaafta-iyo-arrimaha-diinta-ee-xfs-oo-sheegay-in-isbeddal-uu-ku-yimid-diyaargarowga-xajka-ee-sanadka-1445-2024\/","title":{"rendered":"Wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ee XFS oo sheegay in isbeddal uu ku yimid diyaargarowga xajka ee sanadka 1445-2024"},"content":{"rendered":"<p>MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo goordhow shir jiraa\u2019id ku qabtay xafiiskiisa ayaa uga hadlay diyaargarowga xajka sanadka 1445-2024.<\/p>\n<p>Wasiirka Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay isbeddalka ku sameysay u diyaargaroow xajka ee sanadkan 1445-2024, taasi ay keentay in wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ay ku wargaliso Ummadda Soomaaliyeed isbedalka sanadkan lagu sameeyay diyaargorowga Xajka.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa shirkiisa Saxaafadeed ku bayaamiyay isbedalka lagu sameeyay sanadkan Xajka, asaga oo sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay ku wargalisay dowladaha oo dhan wax ka bedalka ku yimid diyaargaroowga, iyada oo laga soo horumariyay waqtii horrey loogu diyaar garoobi jiray.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Sacuudi Carabiya ayaa nala wadaagtay in bilawga sanadkan Hijriga uu bilaabanayo diyaargaroowga Xajka, dowlad walba waxaa lala wadaagay tirada xujeey loo qoondeeyay sanadkan inay u xajiyaan\u201d ayuu yiri wasiir Roobow.<\/p>\n<p>Wasiirka wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diintu ay bilaawday howlihii laga rabay, qaar kamid ahna haatan la qabtay, inta kalenna ay tahay in la dhammeeyo waqtiga loogu talagalay<\/p>\n<p>Wasiirka Muykhtaar ayaa yiri \u201c Isbeddalka la sameeyay ayaa taabanayaa dhowr meelood sida tirada xujay ee wadan walba loo asteeyay, in la soo gudbiyo shirkadaha ku guuleystay sanadkan inay qaadan xujeyda iyo dhammaan diyaarinta safarka Xujeyda iyo sharuudaha laga rabo, wasaaradduna hadda waxaa ay wada diyaargaroowgaas\u201d.<\/p>\n<p>Soomaaliya ayaa sanadkaan la siiyay 11, 500 oo xujey, wasiirka Mukhtaar Roobow ayaana sheegay inay codsadeen in tirada xujeyda loo badiyo, ayna sugayaan jawaab wanagsan. \u201cBixinta Visaha Xajka waxaa ay bilaabaneysaa 20-ka Bisha Shacbaan, waxeyna ku egtahay 20-ka Shawaal qofkii aan muddadaas qaadan ma Xajin doono\u2018\u2019. Ayuu yiri wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo goordhow shir jiraa\u2019id ku qabtay xafiiskiisa ayaa uga hadlay diyaargarowga xajka sanadka 1445-2024. Wasiirka Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay isbeddalka ku sameysay u diyaargaroow xajka ee sanadkan 1445-2024, taasi ay keentay in wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":38,"featured_media":500212,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[1062],"class_list":{"0":"post-500211","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka","9":"tag-wasiirka-awqaafta-iyo-arrimaha-diinta-ee-xfs-oo-sheegay-in-isbeddal-uu-ku-yimid-diyaargarowga-xajka-ee-sanadka-1445-2024"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500211","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/38"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=500211"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500211\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":500213,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500211\/revisions\/500213"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/500212"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=500211"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=500211"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=500211"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}