{"id":500164,"date":"2023-10-27T11:25:18","date_gmt":"2023-10-27T08:25:18","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=500164"},"modified":"2023-10-27T11:25:18","modified_gmt":"2023-10-27T08:25:18","slug":"duqeymo-weli-ka-socda-gaza-iyo-xamaas-oo-shuruud-xabbad-joojin-ah-ku-xirtay-maxaabiista-ay-heyso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/duqeymo-weli-ka-socda-gaza-iyo-xamaas-oo-shuruud-xabbad-joojin-ah-ku-xirtay-maxaabiista-ay-heyso\/","title":{"rendered":"Duqeymo weli ka socda Gaza iyo Xamaas oo shuruud xabbad-joojin ah ku xirtay maxaabiista ay heyso"},"content":{"rendered":"<p>Iyadoo ay sii socdaan duqeymaha Israa\u2019iil ay ku hayso bartilmaameedyada Qasa,ayaa mas\u2019uul u hadlay Xamaas waxa uu sheegay in aan la sii deyn doonin maxaabiista ay hayaan illaa lahelo xabad-joojin ka dhaqangasha Gaza.<\/p>\n<p>Xubin ka tirsan wafdiga Xamaas ee booqanaya Ruushka ayaa sheegay in kooxdu aysan sii deyn karin maxaabiistii lagu qabtay weerarkii 7-dii October ilaa ay xabad joojin ka dhacdo Gaza.<\/p>\n<p>Israa\u2019iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayso bartilmaameedyada Qasa, iyadoo garaaceysa dhismayaal la deggan yahay, waxayna dishay daraasiin Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan sagaal caruur ah.<\/p>\n<p>Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa daabacday magacyada kumannaan falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarrada Israa\u2019iil,halka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu su&#8217;aal galiyay kalsoonida lagu qabi karo tirada dhimashada.<\/p>\n<p>Ugu yaraan 7,028 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa\u2019iil tan iyo 7-dii October, xilli Israa\u2019iil ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto duullaanka ay ku hayso dhulka Falastiiniyiinta.<\/p>\n<p>In ka badan 1,400 oo qof ayaa lagu dilay weerarka Xamaas ku qaadeen Israa\u2019iil,waxaana dhinaca kale,Maraykanka ay sheegeen in ay duqeeyeen goobo ku yaalla dalka Suuriya oo ay maamulaan Iiraan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Iyadoo ay sii socdaan duqeymaha Israa\u2019iil ay ku hayso bartilmaameedyada Qasa,ayaa mas\u2019uul u hadlay Xamaas waxa uu sheegay in aan la sii deyn doonin maxaabiista ay hayaan illaa lahelo xabad-joojin ka dhaqangasha Gaza. Xubin ka tirsan wafdiga Xamaas ee booqanaya Ruushka ayaa sheegay in kooxdu aysan sii deyn karin maxaabiistii lagu qabtay weerarkii 7-dii October [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":500166,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-500164","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500164","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=500164"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500164\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":500167,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/500164\/revisions\/500167"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/500166"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=500164"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=500164"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=500164"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}