{"id":499528,"date":"2023-10-17T09:00:53","date_gmt":"2023-10-17T06:00:53","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=499528"},"modified":"2023-10-17T09:01:48","modified_gmt":"2023-10-17T06:01:48","slug":"booliska-soomaaliya-oo-faah-faahin-ka-bixiyay-qaraxii-xalay-ka-dhacay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/booliska-soomaaliya-oo-faah-faahin-ka-bixiyay-qaraxii-xalay-ka-dhacay-muqdisho\/","title":{"rendered":"Booliska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho afaafka hore ee maqaayadda Blue Sky ee degmada Boondheere uu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) Agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, halka ay ku dhaawacmen Afar qof oo kale.<\/p>\n<p>\u201cKhasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qof iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen. Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa.\u201d Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska.<\/p>\n<p>Qaraxa is-miidaaminta ah oo uu fuliyay naftii-hallige Khawaarijta ka tirsanaa ayaa imanaya xilli uu soo hagaagayo amniga magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada kala duwan ee dowladduna ay Caasimadda iyo gobollada dalka ka waddo howl-gallo ka dhan ah khawaarijta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho afaafka hore ee maqaayadda Blue Sky ee degmada Boondheere uu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) Agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, halka ay ku dhaawacmen Afar qof oo kale. \u201cKhasaaraha qaraxu reebay ayaa ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":499529,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-499528","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499528","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=499528"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499528\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":499532,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499528\/revisions\/499532"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/499529"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=499528"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=499528"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=499528"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}