{"id":499366,"date":"2023-10-15T10:58:38","date_gmt":"2023-10-15T07:58:38","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=499366"},"modified":"2023-10-15T10:58:38","modified_gmt":"2023-10-15T07:58:38","slug":"soomaaliya-oo-taageero-heer-caalami-ah-u-heshay-dagaalka-shabaab-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-oo-taageero-heer-caalami-ah-u-heshay-dagaalka-shabaab-warbixin\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo taageero heer caalami ah u heshay dagaalka Shabaab (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Dowladaha Dunida ugu waaweyn adduunka ayaa Soomaaliya taageero xooggan ugu muujiyey dagaalka ay kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabka, taasina waxaa caddeyn u ah shir dhawaan ka dhacay Magaalada Ankara ee Xaruunta Dalka turkiye, waxaana sidaasi caddeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dalka T\u00fcrkiye, kaasi oo \u00a0sheegtay in Ankara uu ka dhacay kulan heerkiisu sarreeyo oo ay ka qeyb galeen Dowladaha T\u00fcrkiye, Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta ee Midoobay (UAE), Boqortooyada Dalka Ingiriiska the United Kingdom (UK) iyo Dowladda Maraykanka (USA).<\/p>\n<p>Kulanka ayaa waxaa lagu taageeray, weliba Taageero buuxda lagu siinayo dagaalka Soomaaliya kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ee ka socda dalka ee uu \u00a0Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud hoggaaminayo, waxaana lagu soo waramayaa in Dowladaha kulmay ay sheegeen, islamarkaana ay qireen in Soomaaliya horumar aan la soo koobi karin ay ka gaartay la dagaalanka Argagixisada Shabaabka.<\/p>\n<p>Shirkaasi oo ka dhacay Magaalada Madaxda Dalka turkiye ee Ankara ayaa Madaxdii ka qeybgashay waxay la isku raaceen in Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladdiisa lagu garab istaago dagaalka xooggan ay kula jiraan Argagixisada Al-shabaab, waxaa kaloo jirta in si gaar ah oo aan qarsoodi aheyn ay Xukuumadda Ankara ay si mug leh u taageertaa dagaalka Shabaabka iyo ka \u00a0ciribtirkooda ee ka socda gudaha Dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Mar haddii loo helay taageero heer caalami ah dagaalka xooggan ee lagula jiro kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab ayaa waxaa la dhihi katraa waxaa soo dhawaaday dhammaadka kooxda maleeshiyaadka ah ee Shabaabka, taasina waxaa caddeyn u ah mar \u00a0\u00a0haddiiba dowladihii waaweynaa ay xoog u taageereen dadaalka ay dowladdu ugu jirto ciribtirka Kooxaha xag jirka ah ee ku dhuumaaleyta gudaha Dalka.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalioya oo ka hadlaayay \u00a0howlgallada socda ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dhulka Miyiga ah ugu mahadnaqay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan howlgallada ay Ciidamada Qalabka Sida ku baacsanayaan khawaarijta howdka ku dhuumaaleysanaaya.<\/p>\n<p>\u201cKalluunku wuxuu ku noolaan yahay biyaha, haddii barkadda biyaha ee uu kalluunku ku nool yahay laga daadiyo biyaha, kalluunka kuma noolaan karo, Argagixisada iyo Khawaarijta biyaha ay ku dhax nool yihiin waa shacabka, maantana Allah mahaddii Shacabkii waa ay arkeen in nimankaan aheyn kuwo ay sii xambaarsanaan karaan, wayna diideen waxay ku soo jireen 16-kii sano ee la soo dhaafay.\u201d Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.<\/p>\n<p>\u201dCadowgii na xasuuqay Oktoober 14-keedii naguna xasuuqay magaalo kasta, oo Soomaaliya ku taal iyo Hoteel kasta iyo Isgoys kasta ee ku yaal Muqdisho, wali way u soo malabsanayaan sii daadinta dhigga Dadaka Soomaaliyeed ee qaaliga ah, haddii ay fursad kale helayaanna gumaadkaasi oo ka xanun badan ayay weli nala maagan yihiin, nasiib wanaag Maanta halistu way ka yar tahay, balse ma aysan dhammaan\u201d, ayuu yiri Mudane xasan Shiikh Maxamuud oo Khudbad uu kaga hadlay 14 Oktoober maalinkii lagu xasuuqay Isgooyska Soobe ee Muqdisho Soomaalidii ugu badnayd ee abid isku meel lagu dilo iyo kaalinta Ciidanka XDS, Culumada, Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Dagaalka Khawaarijta u jeediyay Xalay Shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u201cGeesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idinkula dardaarmayaa \u2018waa la idinku seexdaaye ha seexanina,\u201d ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ciidamada ka balan-qaaday inuu kula noolaa doono furimaha jihaadka, \u201cWaxaan idinla qeybsa doonaan xanuunka iyo farxadda guusha aad ka gaartaan jihaadka,\u201d ayuu sii raaciyay.<\/p>\n<p>Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay Khudbadii Jimcihii Masaajidka, ayaa caddeeyey in ay qasab tahay, laguna dhaqmayo Heshiiska Madasha wadatashiga ee ay soo saareen, kuwaasi oo kala ah:-<\/p>\n<p>1- Doorashooyinka D\/gobaleedyada ayuu sheegay in ay dhacayso November 2024-ka, ciddii wax ka sokeysana doonaysana ay tahay cid aan Soomaaliya dan u aheynin, siyaasiintaasna ay dalka xalkiisa ka shaqeeyaan.<\/p>\n<p>2- Madaxweyne iyo MW kuxigeen ayuu sheegay in ay qasab tahay oo lameelmarinayo, dalkana ay faa\u2019iidadiisa sidaas tahay, oo Dastuurka bedelayo.<\/p>\n<p>3- Labo xisbi oo kaliya ayuu sheegay in ay muhiim tahay, oo ay jidkaas qaateen, dadka dooda ka qabana ay ku qanciyeen in Soomaaliya aysan u baahneyn nidaam asxaabta badan oo iska furan.<\/p>\n<p>4- 2026-ka ayuu sheegay Madaxweynuhu in doorasho qof \u00a0iyo cod ah ay ka dhacayso Soomaaliya, halka June 2024-ka Doorashooyinka hoose la qaban doono, guddigii qaban lahaana la magacaabi doono, \u00a0kuwaasi oo ilaa doorasho Madaxtooyo qabanaya.<\/p>\n<p>Wararka ugu dambeeyay ee laga helaayo goobaha dagaalada ayaa sheegaya in Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ee ku sugan deegaanka Barujeed oo 40 KM dhanka Guriceel kaga began degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ay saaka ka hortagay weerar Khawaarijtu ku soo qaadday fariisimaha ciidanka xoogga ay ku leeyihin deegaankaasi, iyadoo Guddoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macallin uu Wakaaladda Waraka ee SONNA u xaqiijiyey in cadowgu dharbaaxo kulul kala kulmay weerarkii saaka, islamarkaana ay Ciidamadu jabiyeen Khawaarijtii soo duulaan tegay.<\/p>\n<p>Kooxda weerarka soo qaaday ee Khaaaijta ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay duulaankaasi \u00a0ay soo qaadeen, waxaana ay goobta dagaalka uga carareen Meydad badan oo ay haleeshay rasaasta geesiyaasha, Ciidamada ayaana sidii caadiga aheyd ku sugan saldhigyadooda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladaha Dunida ugu waaweyn adduunka ayaa Soomaaliya taageero xooggan ugu muujiyey dagaalka ay kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabka, taasina waxaa caddeyn u ah shir dhawaan ka dhacay Magaalada Ankara ee Xaruunta Dalka turkiye, waxaana sidaasi caddeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dalka T\u00fcrkiye, kaasi oo \u00a0sheegtay in Ankara uu ka dhacay kulan heerkiisu sarreeyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":499368,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-499366","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499366","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=499366"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499366\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":499369,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499366\/revisions\/499369"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/499368"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=499366"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=499366"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=499366"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}