{"id":499226,"date":"2023-10-13T09:53:21","date_gmt":"2023-10-13T06:53:21","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=499226"},"modified":"2023-10-13T09:53:21","modified_gmt":"2023-10-13T06:53:21","slug":"israel-oo-amartay-in-dad-ka-badan-1-milyan-ay-ka-baxaan-woqooyigauna-guuraan-koonfurta-gaza","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/israel-oo-amartay-in-dad-ka-badan-1-milyan-ay-ka-baxaan-woqooyigauna-guuraan-koonfurta-gaza\/","title":{"rendered":"Israel oo amartay in dad ka badan 1 milyan ay ka baxaan woqooyiga,una guuraan koonfurta Gaza"},"content":{"rendered":"<p>Waxaa jira cabsi iyo jahawareer soo wajahay dadka reer Gaza, ka dib markii ciidamada Israel ay u sheegeen in dad ka badan 1 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku go&#8217;doonsan waqooyiga ay u guuraan koonfurta magaaladaasi.<\/p>\n<p>Kooxda Xamaas ayaa digniinta Israa&#8217;iil ku tilmaantay dacaayad been abuur ah,kadib kolkii muddo 24 saacadood ah loo qabtay in dadka Falastiin ay uga baxaan Woqooyiga Gaza.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay amarka Israa\u2019iil ,waxayna tilmaameen in aysan suurtagal ahayn,iyagoo dhanka kale caddeeyay in tallaabadaasi ay keen I karto \u00a0cawaaqib xun.<\/p>\n<p>Ugu yaraan 1,537 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarada Israa&#8217;iil ee Gaza,waxaana sidoo kale la dhaawacay 6,612 ,halka Tirada dadka lagu dilay Israa\u2019iil ayaa gaartay 1,300 oo qof.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku baaqay in la joojiyo xannibaadda iyo duqeymaha Israa&#8217;iil ay ku heyso Gaza,isla markaana si buuxda loo ogolaado nidaamka caafimaadka ee wax loogu qabanaayo dadka.<\/p>\n<p>WHO ayaa sheegtay inay diiwaan gelisay 34 weerar oo lagu qaaday adeegyada daryeelka caafimaadka ee Gaza tan iyo Sabtidii.<\/p>\n<p>11 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee WHO ayaa la dilay, halka 16 kale la dhaawacay.<\/p>\n<p>Shan kale oo ka tirsan shaqaalaha ICRC ayaa la dilay ,iyadoo 20 gaari oo ambalaas ah lala beegsaday duqeymo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa jira cabsi iyo jahawareer soo wajahay dadka reer Gaza, ka dib markii ciidamada Israel ay u sheegeen in dad ka badan 1 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku go&#8217;doonsan waqooyiga ay u guuraan koonfurta magaaladaasi. Kooxda Xamaas ayaa digniinta Israa&#8217;iil ku tilmaantay dacaayad been abuur ah,kadib kolkii muddo 24 saacadood ah loo qabtay in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":499227,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-499226","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499226","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=499226"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499226\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":499228,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499226\/revisions\/499228"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/499227"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=499226"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=499226"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=499226"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}