{"id":499144,"date":"2023-10-12T09:53:40","date_gmt":"2023-10-12T06:53:40","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=499144"},"modified":"2023-10-12T09:55:21","modified_gmt":"2023-10-12T06:55:21","slug":"safiirka-jfs-ee-dalka-shiinaha-oo-ka-qeyb-galay-kulan-diblomaasiyadeed-heerkiisu-sareeyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/safiirka-jfs-ee-dalka-shiinaha-oo-ka-qeyb-galay-kulan-diblomaasiyadeed-heerkiisu-sareeyo\/","title":{"rendered":"Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay kulan diblomaasiyadeed heerkiisu sareeyo"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA). Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Fuzhou uga qeyb galay kulan diblomaasiyadeed heerkiisu sareeyo, kaas oo ay isugu yimaadeen safiirro iyo diblomaasiyiin ka kala socday safaaradaha kala duwan ee ku sugan dalka Shiinaha.<\/p>\n<p>Diblomaasiyiinta shirkan ka qeyb galay ayaa waxaa hogaaminayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane, waxayna kullan gaar ah la qaateen madaxda gobolka Fujian oo uu ugu horeeyo guddoomiye ku xigeenka dalka Guo Ninging.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa horudhac u ahaa shirka soo socda ee 2023-ka ee lagu qabanayo magaalada Fuzhou, 12-ka ilaa 15-ka bisha Oktoobar 2023, waxaanna kullankaaa diiradda lagu saarayaa muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah iyo diblomaasiyadda iyo sidoo kale, xiriirka diblomaasiyadeed ee Shiinaha uu la leeyahay dalalka caalamka.<\/p>\n<p>Danjire, Cawaale kullane ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay, wuxuuna carrabka ku adkeeyey doorka shirka ee horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee qaybta horumarinta qalabka loo adeegsado kheyraadka Badda.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka Guo Ningning ayaa iftiimisay sida ay gobolku uga go&#8217;an tahay sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ay la leeyihiin dalalka caalamka gaar ahaan kuwa soo koraya.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-499145\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0000.jpg\" alt=\"\" width=\"1032\" height=\"688\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0000.jpg 1032w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0000-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0000-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0000-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0000-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0000-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0000-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0000-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1032px) 100vw, 1032px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-499146\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0001.jpg\" alt=\"\" width=\"1032\" height=\"688\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0001.jpg 1032w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0001-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0001-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0001-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0001-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0001-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0001-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231012-WA0001-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1032px) 100vw, 1032px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA). Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Fuzhou uga qeyb galay kulan diblomaasiyadeed heerkiisu sareeyo, kaas oo ay isugu yimaadeen safiirro iyo diblomaasiyiin ka kala socday safaaradaha kala duwan ee ku sugan dalka Shiinaha. Diblomaasiyiinta shirkan ka qeyb galay ayaa waxaa hogaaminayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":499145,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-499144","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499144","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=499144"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499144\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":499150,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499144\/revisions\/499150"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/499145"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=499144"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=499144"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=499144"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}