{"id":499130,"date":"2023-10-11T17:47:47","date_gmt":"2023-10-11T14:47:47","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=499130"},"modified":"2023-10-11T17:47:47","modified_gmt":"2023-10-11T14:47:47","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-18","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-18\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Asmara wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kadibna khudbad u jeediyay ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayo Eritrea.a<\/p>\n<p>2- Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey\u2019adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira roobabka El Nino iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.<\/p>\n<p>3- Ra\u2019iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>4- Ra\u2019iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha KMG ah ee degaanka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).<\/p>\n<p>5- Ra\u2019iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray Waddada Taleex ee magaalada Muqdisho oo dhowaan dayactir lagu sameeyay.<\/p>\n<p>6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-Nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka.<\/p>\n<p>7- Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.<\/p>\n<p>8- Ra\u2019isul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Baydhabo ka furay shirka isku duwidda arrimaha aadminimada.<\/p>\n<p>9- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dalka Marooko kaga qeybgalaya shirka wasiirada maaliyadda Afrika iyo Hay\u2019adda Lacagta Adduunka ee IMF.<\/p>\n<p>10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>11- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo hawlgal ka dhacay degaanka Shabeellow ee Koonfuurta Mudug ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.<\/p>\n<p>12- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay degaanka Shabeelloow ee Gobolka Mudug.<\/p>\n<p>13- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri ka fuliyay degaanka Garilow ee magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasina ku dilay laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.<\/p>\n<p>14- Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyo laba xubnood oo la socday.<\/p>\n<p>15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada oo looga hadlay isku xirka xiriirka warbaahinta iyo xoojinta wacyigalinta.<\/p>\n<p>16- Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Maxamed Axmed Shiikh Cali iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S\/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.<\/p>\n<p>17- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Baydhabo ka furey wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha horumarinta wax soo saarka xoolaha.<\/p>\n<p>18- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Saadaat Maxamed Nuur Caliyow ayaa Baydhabo ka furay shir looga hadlayey xasilinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta Al Shabab.<\/p>\n<p>19- Hay\u2019adda isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah u daah furtay Xarunta Hawlaha Kormeerka Hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.<\/p>\n<p>20- Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan ku saabsan xaaladda khatarta fatahaadaha kala hadley Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini\u2019aadminimada George Conway.<\/p>\n<p>21- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalaya Kulan Waynaha heer gobol ee Hay\u2019adda Caafimaadka Adduunka WHO.<\/p>\n<p>22- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee Gudniinka Fircooniga.<\/p>\n<p>23- Ciidamada Xoogga Dalka ee kuwa degaanka ayaa howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka fuliyay deegaanka Ciid-Ciidka oo hoostaga deegaanka Cali Fooldheere.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-499133\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0049-212x300.jpg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0049-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0049-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0049-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0049-1086x1536.jpg 1086w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0049-860x1217.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0049.jpg 1131w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-499134\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0048-212x300.jpg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0048-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0048-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0048-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0048-1086x1536.jpg 1086w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0048-860x1217.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0048.jpg 1131w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-499135\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0041-212x300.jpg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0041-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0041-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0041-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0041-1086x1536.jpg 1086w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0041-860x1217.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0041.jpg 1131w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-499136\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0046-212x300.jpg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0046-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0046-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0046-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0046-1086x1536.jpg 1086w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0046-860x1217.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0046.jpg 1131w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-499137\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0047-212x300.jpg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0047-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0047-724x1024.jpg 724w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0047-768x1086.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0047-1086x1536.jpg 1086w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0047-860x1217.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/10\/IMG-20231011-WA0047.jpg 1131w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/><br \/>\n==============DHAMMAAD==============<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Asmara wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kadibna khudbad u jeediyay ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayo Eritrea.a 2- Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey\u2019adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira roobabka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":499132,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-499130","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499130","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=499130"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499130\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":499138,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499130\/revisions\/499138"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/499132"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=499130"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=499130"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=499130"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}