{"id":499073,"date":"2023-10-10T10:55:35","date_gmt":"2023-10-10T07:55:35","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=499073"},"modified":"2023-10-10T10:55:35","modified_gmt":"2023-10-10T07:55:35","slug":"ha-fududeysan-diigniinahan-ku-aadan-el-nino-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ha-fududeysan-diigniinahan-ku-aadan-el-nino-warbixin\/","title":{"rendered":"Ha fududeysan Diigniinahan ku aadan El-Nino (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da\u2019aan dalkeenna, si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa ka mid ah Webiyada, Dhulka buuraleyda ah, kuwaasi oo labadoodaba ka dhalan karaan fatahaado iyo daadad aad u waaweyn, keenina kara khasaare isugu jira Maal iyo Nool. Hay\u2019adda Maareynta masiibooyinka Qaran ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay fariin digniin ah oo ku aaddan in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan kara xaaladda El-Nino.<\/p>\n<p>Sidoo kale, si ay u yaraato khataraha ka dhalan kara, waxay hey\u2019addu bixisay digniino iyo talo-bixino xaaladda El-Nino isbuuclaha ahaa intii u dhacxeysay 28-september ilaa 4-ta October ee sanadkan 2023. Toddobada cisho oo ahaa usbuuca ugu dambeeya bishii September iyo isbuuca ugu horreeyay ee bishan October ee sanadkan, waxaana bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol ee dalka hey\u2019addu maareeynta iyo masiibooyinka qaranka ku wargelisay in ay ka feejignaadaan khatar ay suurta-gal tahay in ay ka timaado Roob mahiigaan ah oo isbuucaan la filayo inuu da\u2019o.<\/p>\n<p>Goobaha sida gaar ah Roobabka la saadaaliyay waxay kala yihiin gobollada Bari,Sool, Sanaag, Waqooyiga galbeed, Nugaal, Hiiraan,Baay,Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa la saadaaliyay in ay geysan karaan Khatar cabirkeedu sarreeyo, waxaana Bulshada ku dhaqan gobolladaasi ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan taxadar gaar ah oo ku aadan khatarta fatahaadda iyo daadadka Roobka ka imaanaya.<\/p>\n<p>Dhammaan gobollada kale ee dalka, Roobabka la saadaaliyay waxay geysan karaan khatar cabirkeedu dhex-dhexaad yahay, balse hey\u2019addu waxay ku wargelisay dadka ku nool gobolladaasi in ay haboon tahay in ay ka feejignaadaan Khatartaas El-Nino.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo Bulshada ku dhaqan hareeraha jiinka wabiga looga digay in ay aad uga feejignaadaan saameynta daadadka roobka ku yeelan karo naftooda iyo maalkooda gaar ahaan dadka ku nool gobollada Bari,Sool, Sanaag, Nugaal, Waqooyi Galbeed, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose, waxaa sidoo kale, looga digay in ay iska ilaaliyaan toggaga biyuhu maraan, taas oo Khatar gelin karta naftooda, iyadoo ugu dambeyn, Hay\u2019adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka ay guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed uga digtay in aysan deegaameysan ama guryo ka dhisan meelaha biyo-mareenka ah si ay u badbaadaan.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara Roobab la rajeynayno in ay ka da\u2019aan dalka, sida lagu ogaaday saadaallo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taasi oo na-tusineysa in Roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di\u2019i karaan qeybo ka mid ah dalka.\u201d Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa, mar uu kormeer ku tegay Xaruunta Hey\u2019adda Maareynta Masiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira Roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay ka saameeyaan dalka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan Webiyada jiinkooda, kuwaasi oo halis gaara ugu jira daadad xoogga leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha Webiga iyo dhulalka godan, wuxuuna ugu dambeyn ku booriyay Hey\u2019adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey\u2019adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka la soo werinayo, islamarkaana waxa uu ku adkeeyay Madaxada iyo khuburada hey\u2019adda SODMA in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta Roobabka iyo fatahaadaha ku soo fool leh.<\/p>\n<p>Waxaana aad ina soo gaaray, hey\u2019adda maareynta musiibooyinka ku magacowday ogeysiiskeeda DIGNIIN, in saadaashu sheegayso Roobab mahiigaana oo ku soo wajahan dalkeena.<\/p>\n<p>Hey\u2019adda cilmibaarista badaha Soomaaliyeed, wey dareensaneed isbedelka cimillada ee la filan karo \u00a0xilli roobaadka Deyrta, laakiin waxay aad u eegeysay dhinaca Badda oo hadda ay ka soo saareyso baaqaan ay ku magacawday Digniinta L.2, ee ISBEDELKA XAALADDA BADDA EE LA FILA KARO IYO SIDAAN:<\/p>\n<ol>\n<li>IN ROOBAB BADAN OO GAARAYA SADDEX DALOOL ROOBKII DI\u2019I JIRAY WAQTIGAAN, BADDANA DAADADKA DHULKA U BADDANA KU DA\u2019AYAA SIDA BERRIGA.<\/li>\n<li>Daadadka Waadiyada iyo Webiyada waxay kor u sii qaadi karaan Heerka (Level) ka BADDA.<\/li>\n<li>Waxaana intaa la sii jira in Qorraxdu ay ka tallaabsatay DHULBARAHA, iyadoo Koonfur u socota 23 September 2023; HADDABA kuleylku wuxuu jiraa Deyrta Koonfurta Dhulbaraha, Waqooyiga Dhulbaruhu waa Diirimaad Qabow iyo BARAF Deyrta. Sidaa awgeed, waxaa aad u suuragal ah inuu Dhalaalo Barafka Badweynta Waqooyi \u201cArtic\u201d soona gaaraan Biyaha Barafku Badweynta Hindiya.<\/li>\n<\/ol>\n<p>Haddaba sababaha Seddexda ah ee aan soo xusay iyo wax kale oo raaci karto waxay kordhin karaan heerka Badda: (Buuxin karaan) Kicin karaan, qasi karaan, taasoo ay suuragal tahay in Baddu soo gasho xeebaha Barriga oo ay wax ku yeesho magaalooyinka iyo tuulooyinka xeebaha Dalka, gaar ahaan Muqdisho oo Xeebteeda Godad laga qoday oo halis ah inay baddu soo gasho una soo gudubto Magaalada, gaar ahaan Bariga LIIDO sidoo kale Koonfurta Xalane oo haddaba biyihi Baddu ay ku jiraan.<\/p>\n<p>Sidaas awgeed, waxaa habboonaan laheyd in Dowladda hoose ay arrintaas xal u helaan oo ah duugista godadka Xeebaha iyo dhisid Darbi ilaa 0.5 (Nus) Mitir ah meelaha qaarklood sida Koonfurta Xalane ee Muqdisho.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da\u2019aan dalkeenna, si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa ka mid ah Webiyada, Dhulka buuraleyda ah, kuwaasi oo labadoodaba ka dhalan karaan fatahaado iyo daadad aad u waaweyn, keenina kara khasaare isugu jira Maal iyo Nool. Hay\u2019adda Maareynta masiibooyinka Qaran ayaa shacabka Soomaaliyeed la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":499003,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-499073","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499073","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=499073"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499073\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":499074,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499073\/revisions\/499074"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/499003"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=499073"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=499073"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=499073"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}