{"id":499057,"date":"2023-10-09T17:51:41","date_gmt":"2023-10-09T14:51:41","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=499057"},"modified":"2023-10-09T17:51:41","modified_gmt":"2023-10-09T14:51:41","slug":"wafdi-ka-socda-soomaaliya-oo-morocco-uga-qaybgalaya-shirka-sanadlaha-ah-ee-bangiga-adduunka-imf","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wafdi-ka-socda-soomaaliya-oo-morocco-uga-qaybgalaya-shirka-sanadlaha-ah-ee-bangiga-adduunka-imf\/","title":{"rendered":"Wafdi ka socda Soomaaliya oo Morocco uga qaybgalaya shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka &#038; IMF\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Maraakish (SONNA): Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Maraakish ee dalka Boqortooyada Morocco.<\/p>\n<p>Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa dalka Boqortooyada Morocco uga qeyb galaya shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hay\u2019adda lacagta IMF, kaas oo socon doona muddo todobaad ah.<\/p>\n<p>Mudane Biixi Iimaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, oo la hadlay warbaahinta ayaa uga warbixiyey qodobada sanadkaan looga hadlaya shirka, isaga oo sheegay in sanadkaan looga hadlaya sidii kor loogu qaadi lahaa habka ay u shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo IMF.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya waxa ay qeyb weyn ka tahay dadaallada ay wadaan dalalka soo koraya, kuwaas oo doonaya in dib loo qaabeeyo Bangiga Adduunka, doorweyn baynu ku leenahay, afkaarteyna iyo fikradahayn way ka dhex muuqdaan doodaha ka dhacaya dalka Marooko,\u201d sida uu yiri Wasiir Biixi.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa inta uu socday shirka waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay madaxda ugu sarreysa Bangiga Adduunka iyo IMF, isaga oo kala hadlay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliye oo heer gabagaba ah maraya iyo dib u qaabeynta dhaqaalaha dalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maraakish (SONNA): Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Maraakish ee dalka Boqortooyada Morocco. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa dalka Boqortooyada Morocco uga qeyb galaya shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hay\u2019adda lacagta IMF, kaas oo socon doona muddo todobaad ah. Mudane Biixi Iimaan Cige [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":499058,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-499057","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499057","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=499057"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499057\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":499059,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499057\/revisions\/499059"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/499058"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=499057"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=499057"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=499057"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}