{"id":499051,"date":"2023-10-09T17:20:02","date_gmt":"2023-10-09T14:20:02","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=499051"},"modified":"2023-10-09T17:20:02","modified_gmt":"2023-10-09T14:20:02","slug":"hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-si-rasmi-u-daahfurtay-xarunta-kormeerka-hirarka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-si-rasmi-u-daahfurtay-xarunta-kormeerka-hirarka\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo si rasmi u daahfurtay xarunta kormeerka hirarka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Hay&#8217;adda isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay xarunta hawlaha kormeerka hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Munaasabadda lagu daahfurayay xaruntan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay\u2019adda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Maareeyaha Guud ee Hay\u2019adda, Maareeye ku xigeenka guud ee Hay\u2019adda iyo marti sharaf kale.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo ka hadlay muhiimadda ay Xarunta Kormeerka Hirarka u leedahay fududaynta kobaca iyo horumarinta isgaarsiinta, isagoo yiri, \u201cDaahfurka Xarunta Kormeerka Hirarka waa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo himiladeena la xiriirta qaran dhijitaal ahaan isku-xiran. Xaruntani waxay kor u qaadi doontaa awoodaha maamulka hirarka, taasoo horseedi doonta horumarinta tayada adeegga, kororka hal-abuurka iyo kor-u-qaadista tartanka Isgaarsiinta.&#8221;<\/p>\n<p>Sidoo kale Mareeyaha Hay\u2019adda oo ka hadlay furitaanka Xarunta Kormeerka Hirarka, ayaa yiri \u201cXaruntan waxay wax badan ka beddeli doontaa la-socodka iyo maareynta kheyraadka hirarka dalkeena. Iyadoo si xawli ah loo ballaarinayo kaabayaasha isgaarsiinta dalka iyo kororka teknolajiyada aan xargaha lahayn (wireless), waxaa muhiim ah kormeerka hirarka si loo xaqiijiyo in adeegyada isgaarsiinta aysan kala-gpo\u2019 yeelanin, isla markaana looga hortago isdhaxgalka hirarka, taas oo ugu dambeyn horseedeysa in sare loo qaado tayada adeegyada la siiyo macaamiisha.&#8221;<\/p>\n<p>Daahfurka xarunta waxay astaan u tahay dadaalka joogtada ah ee HIQ ee kor loogu qaadayo awoodaha maaraynta hirarka iyo hubinta in muwaadiniintu ay helaan adeegyo isgaarsiineed oo aan kala-go\u2019 lahayn. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Hay&#8217;adda Isgaarsiinta Qaranka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Hay&#8217;adda isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay xarunta hawlaha kormeerka hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya. Munaasabadda lagu daahfurayay xaruntan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay\u2019adda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":499052,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[84,94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-499051","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-ganacsiga","8":"category-gudaha","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499051","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=499051"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499051\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":499053,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/499051\/revisions\/499053"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/499052"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=499051"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=499051"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=499051"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}