{"id":498024,"date":"2023-09-23T11:24:47","date_gmt":"2023-09-23T08:24:47","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=498024"},"modified":"2023-09-23T11:38:10","modified_gmt":"2023-09-23T08:38:10","slug":"madaxweyne-adoo-madaxaagu-fooraro-ka-tegi-meysid-dhuusamareeb-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-adoo-madaxaagu-fooraro-ka-tegi-meysid-dhuusamareeb-warbixin\/","title":{"rendered":"\u2018Madaxweyne adoo Madaxaagu fooraro ka tegi meysid Dhuusamareeb\u2019 (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay bilowgii dagaalka dalkeenna looga xoreyneyno Khawaarijta,\u00a0 diyaar garowga\u00a0 sidii la rabay in uusan\u00a0 aheyn, islamarkaana dalka ku jiray xaalad abaareed oo ba\u2019an, balse maanta ilaahay mahadiis Soomaaliya waxa ay heysataa Ciidan ka tayo iyo tiro badan markii dagaalka Khwaarijta la bilaabayay, diyaarna u ah inay naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda. Madaxweynaha JFS, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in\u00a0 xilliyada dagaalka la kala barto dadka, gaar ahaan Madaxda, Saraakiisha iyo Askarta.\u201cRuntii dagaal haddii la galo waa la kala bartaa dadka, Madaxdaa la kala bartaa, Saraakiishaa la kala bartaa, Askartaa la kala bartaa, dhammaan dadka waa la bartaa, qof walbana doorka uu qaata maalinta ay adag tahay waa la bartaa, maalinta fiican ee ay nabaddu jirto nin kastaa waa fiican yahay\u201d.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo muddo laba bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka howlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ah Argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo guud ahaan dalka Soomaaliya. \u201cWaxaan ku soconnaa deegaanno Khawaarijtu ku ukumeystay, waqti dheerna ku dhibaateynaysay shacabka Soomaaliyeed. Aragagixisada Khawaarijta ah goobo badan oo dalka ka mid ah waa ku jabeen, degaanno badanna waa laga xoreeyay, waxaana cadaatay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u huri kara naftooda xoriyadadooda iyo mustaqbalka caruurtooda, ilaalinta qaranimadooda, iyo difaaca karaamadooda\u201d, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.<\/p>\n<p>Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku taliyay in dhallinyarada la marinhabaabiyay ay ka soo laabtaan la shaqeynta kooxaha nabad-diidka ah,isla markaana ay wax la qeybsadaan bulshada Soomaaliyeed ee u xusul duubaya horumarkooda, isagoo mar kale shacabka ku adkeeyay in ay u midoobaan cadowga khawaarijta ee weli ku sugan gudaha dalka. Madaxweynaha ayaa kulan wadatashi ah Magaalada Dhusamareeb kula qaatay Guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ka howlgala furimaha dagaalka, waxaana kulankaaasi dhinacyada ka qeybgalay ay ka arrinsadeen qaabka loo dardar galin karo dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh\u00a0 oo ka hadlay kulankaasi uu xaqiijiyay sida ay dowladda uga go\u2019an tahay la dagaalanka kooxaha khawaarijta ee weli ku sugan gudaha dalka.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Aqalka sare Mudane \u00a0Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo kulankaasi ka qeybgalay ayaa sheegay doorka looga baahan yahay Ummadda Soomaaliyeed inay ku wejahaan dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, ayaa yiri:- \u00a0&#8221; Anigu da&#8217; ayaan ahay oo tabar ma hayo laakin Afka ayaan dagaalka ku galay &#8220;, Guddoomiyuhu waxa uu caddeeayay doorka uu ka qaadanayo Gulufka lagu hayo cadowga Shacbiga Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>&#8220;Xildhibaanno haddii aad dagaalka ku dhimataan maamuus ayaad helaysaan haddii kale guryihiinna ayaad ku dhimaneysaan maamuus qaranna ma heli doontaan&#8221;, sidaasi waxaa yiri:- Cali Jeyte Cusmaan oo ka hadlaayay kulankaasi ka dhacay Magaalada Dhuusemareeb, \u00a0Cali Jeyte &amp; Dhuusmaareeb hadal heynta ugu weyn ayaa aheyd &#8221; Al-Shabaab,\u00a0 meeshaan yar ee \u00a0ka tirsan Galmudug ayay ku jiraan, waxaana kuu sheegaa Madaxweyne haddaad caawa fooraarto, adigoo fooraara Dhuusamareeb ka tagi maysid&#8221;, hadalkaasi ayaa ah mid niyad u dhisid iyo dhiirigalin u ah Madaxweynaha JFS, islamarkana uu ku sii dhiirado waddada xaqa ah ee uu ku taagan yahay ee ah in uu arko Soomaliya oo ka xor ah Argagixiso, waxaana loo ballan qaaday inuu Magaalada Muqdisho ku laaban doono, isagoo lugahiisa ku tego Degmooyinka CeelBuur iyo Galhareeri oo ah meelaha kaliya ay kaga harsan yihiin Khawaarijta Gobolkaasi.<\/p>\n<p>Xildhibaan Cabdirahman Cabdishakur Warsame oo waayahaan lagu arag fagaarayaasha ama Aagga Dagaal ee lagula jro kooxda Khawaarijta ah ayaa beryhahaan ka soo muuqda saaxadda dagaalka, isagoo dhiirigalin ugu tagay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaannada ayaa yiri:-, \u00a0\u201cDagaalka lagula jiro Khawaarijta geesigii ku dhintaa waa shahiid sideey shareecada Islaamka na fartay, marka waa in lagu dhiiradaa galitaanka dagaalka lagula jiro\u201d.<\/p>\n<p>\u201c90 jir Ahlul towxiid ah, oo magac leh, oo maal qabeen ah, oo mudane Baarlamaan ah, oo hoggaamiye ciidan ah, oo deegaankii uu ku dhashay jooga, isaga oo gacan ka dhaawacan, \u00a0gacanta kale qori candhalaab ah ku wata, intuu ifka ku noolaa aan weligii la ciilin ayaa furinta hore ee dagaalka ku jira, waa kuma kaasi?, waa Xildhibaan Cabdisalaan Dhabannacad, islamarkaana ah Xildhibaanka ugu Da\u2019da weyn Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya, marka maanta Wiil yar oo jasiiradda Komoros laga keenay Mudug ha ku ciilo! caqliga ka soo taliyey wallee caqli fayow ma\u2019 aheyn\u201d, sidaasi waxaa yiri:- Odey ka soo jeeda mid ka mid ah Deegaannada Goblka Mudug. Madaxweynihii Ummadda mar haddii uu ku sugan yahay furimaha hore ee dagaalka muddo laba bilood ah, iyo Waayeelada, maxaa dhiman oo aan sugnaa?<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-498026\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/dhabannada-cas-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"638\" height=\"478\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/dhabannada-cas-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/dhabannada-cas.jpg 720w\" sizes=\"auto, (max-width: 638px) 100vw, 638px\" \/><\/p>\n<p>Dhinaca kale Aabbe iyo Ubadkiisa uu dhalay oo ku wada sugan Aagga hore ee dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, kaasi waa kuma ? waa Gaashaanle sare Maxamuud Ceyrow iyo Ubadkiisuba waxay u qalab-qaateen jihaadka maafiyo-diimeedka dalka looga xureynayo. Goobtu ay ku sugan yihiinna waa degmada faca weyn ee Xarardheere, waxayna leeyhiin \u2018meel laghu kala haro ma joogno\u2019, waa runtood, waana qoys ay ka go\u2019an tahay dagaalka Khawaarijta, marka waxaan leenahay \u2018Salaama Alle ha idin yeelo, meel lagu kala haro lama joogo e\u2019. Xil Dhallaan gartay ma fududa ayaa la dhihi jiray.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-498027\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/aabe-300x225.jpg\" alt=\"\" width=\"636\" height=\"477\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/aabe-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/aabe.jpg 720w\" sizes=\"auto, (max-width: 636px) 100vw, 636px\" \/><\/p>\n<p>Senator Samsam Daahir oo ka tirsan Aqalka sare ee Jamhuriyadda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Galmudug oo abaabul ka dhan khawaarijta ka wada deegaanno hoos taga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayaa waxay safar ku tektay deegaanka Durdur ee hoostaga Degmadaasi, waxayna u sharaxday ujeeddada safarkooda, waxayna xustay in Dadka deegaanka ay sanooyin badan ka dambeeyaan Deegaanada kale ka xorta ahaa Argagixisada, taasina ay ugu wacan tahay dib u dhac ay u geysteen khawaarijtii muddo maamuleysay Deegaanka, kana reebtay asaagood.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay bilowgii dagaalka dalkeenna looga xoreyneyno Khawaarijta,\u00a0 diyaar garowga\u00a0 sidii la rabay in uusan\u00a0 aheyn, islamarkaana dalka ku jiray xaalad abaareed oo ba\u2019an, balse maanta ilaahay mahadiis Soomaaliya waxa ay heysataa Ciidan ka tayo iyo tiro badan markii dagaalka Khwaarijta la bilaabayay, diyaarna u ah inay naftooda u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":498025,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-498024","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/498024","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=498024"}],"version-history":[{"count":7,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/498024\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":498034,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/498024\/revisions\/498034"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/498025"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=498024"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=498024"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=498024"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}