{"id":497781,"date":"2023-09-20T13:34:09","date_gmt":"2023-09-20T10:34:09","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=497781"},"modified":"2023-09-20T13:51:23","modified_gmt":"2023-09-20T10:51:23","slug":"wasiirka-caafimaadka-oo-new-york-kaga-qayb-galay-kulan-looga-hadlayay-sare-u-qaadida-badbaadada-caruurta-la-il-daran-nafaqo-darrada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-caafimaadka-oo-new-york-kaga-qayb-galay-kulan-looga-hadlayay-sare-u-qaadida-badbaadada-caruurta-la-il-daran-nafaqo-darrada\/","title":{"rendered":"Wasiirka Caafimaadka XFS oo New York kaga qayb galay kulan looga hadlayay nafaqo-darrada Carruurtada"},"content":{"rendered":"<p>New York-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo ka qeybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York ayaa ka qeyb-galay kulan doceed heer sare ah oo looga hadlayay sare u qaadida badbaadada caruurta la il daran Nafaqo-Darada.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii loola dagaallami lahaa nafaqo-xumada ba&#8217;an ee ka jirta dalal badan oo dhaca gobolka oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo jihaynta istiraatijiyad dhammaystiran muddada dhow ee xalka looga heli lahaa Nafaqo darada iyadoo barnaamijka lacag-gudbinta ee loogu magac daray &#8216;Baxnaano uu ka socdo Soomaaliya taas oo lagu taageerayo qoysaska nugul ee Caruurtoodu haleeshay Nafaqo darada.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaakka Soomaaliya ayaa shir-duceedka ka jeediyey warbixin uu ku faahfaahinayey caqabadaha maalgelinta xaddidaya iyo wadashaqeynta lala yeeshay la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay ee gargaarka cuntada, oo ay ku jiraan cuntooyinka daweynta u diyaarsan (RUTF), taas oo lagu guuleystay in laga hirgeliyo 37 degmo oo looga hortagayo macluusha.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale uu soo hadal qaadey Wasiirka Mustaqbalka fog, taageerada ganacsiyada yaryar, beeraha, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee lama huraanka u ah bulshooyinka ay saamaysay Macluusha taas oo sabab u noqon karta maalgelinta joogtada ahi in ay dhaafto awoodda dawladda, waxayna Soomaaliya mudnaan siisaa maalgelinta cimilada taas oo ay ugu wacan tahay saameynta degdega ah ee isbedelka cimilada.<\/p>\n<p>Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Waxaa ka go&#8217;an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo<br \/>\nleh.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-497786 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-2.jpg\" alt=\"\" width=\"1600\" height=\"1066\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-2.jpg 1600w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-2-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-2-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-2-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-2-1536x1023.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-2-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-2-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-2-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-2-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-497787 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-3.jpg\" alt=\"\" width=\"1600\" height=\"1066\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-3.jpg 1600w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-3-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-3-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-3-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-3-1536x1023.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-3-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-3-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-3-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-3-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-497788 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-4.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"768\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-4.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-4-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-4-768x576.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/CAAFIMAAD-4-860x645.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>New York-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo ka qeybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York ayaa ka qeyb-galay kulan doceed heer sare ah oo looga hadlayay sare u qaadida badbaadada caruurta la il daran Nafaqo-Darada. Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":497782,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-497781","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/497781","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=497781"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/497781\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":497793,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/497781\/revisions\/497793"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/497782"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=497781"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=497781"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=497781"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}