{"id":497449,"date":"2023-09-16T11:07:41","date_gmt":"2023-09-16T08:07:41","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=497449"},"modified":"2023-09-16T11:07:41","modified_gmt":"2023-09-16T08:07:41","slug":"khaaarijtu-sidii-laga-filaayay-ayay-u-calaacashay-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/khaaarijtu-sidii-laga-filaayay-ayay-u-calaacashay-warbixin\/","title":{"rendered":"Khaaarijtu sidii laga filaayay ayay u calaacashay (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Alshabaab ayaa dadka u ballaminaya hadal-jeedinta mid ka mid ah horjoogeyaasha kooxda ugu arxanka daran, waa Mahad Karatee. Waxay na leeyihiin wuxuu ka hadli doonaa xaaladda Ciidan iyo Siyaasadeed ee dalka ka taagan. Si fiican ugu fiirso erayada &#8220;Siyaasad iyo Dalka&#8221; oo is weydii goorma ayay Alshabaab dal u aqoonsadeen Soomaaliya?, \u00a0sow kuwii lahaa waa gobol hoos taga Alqaacidda oo cid kasta u furan?, goorma ayayse qaamuuskooda ku soo dareen arrimaha siyaasadda?, \u00a0Siyaasadda marka la qeexayo waxaa lagu tilmaamaa&#8221; Sameynta wixii suurto gal ah&#8221;, \u00a0iyaga waxaa siyaasad u ah wax kasta oo aan suurtogal aheyn.<\/p>\n<p>Sidoo kale u fiirso ninka hadlaya\u00a0 waa Mahad Karatee, mid ka mid ah qandaraasleyaasha sida weyn uga macaasha daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed&#8221;,\u00a0 Markii ugu dambeysay ee uu hadlo waxa uu qiil u sameeyay xasuuqii 29 October ee sanadkii hore ka dhacay Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo shacab ah!, Ma xusuusataa hadalkiisii?, wuxuu yiri &#8221; Dowladda ayaa mas&#8217;uul ka ah shacabkii dhammaaday waayo, waxay rasaas ku furtay, gaarigii qaraxa siday ee aan ku dhufannay Wasaaradda Waxbarashada&#8221;<\/p>\n<p>Sababta Mahad Karatee u hadlaayo waa maxay? Mahad Karatee ma aha, hoggaamiyaha dhabta ah ee khawaarijta ee aaway Axmed Diiriye? Jawaabta oo kooban, Shabaabku waxay ciyaarayaan kaarka qabiilka, sidaas darteed intii gulufkan lagu wiiqayo socday waxay isticmaalayeen kuwo fallooci ah oo ka soo jeeda beelaha deegaannada lagula dirirayo. Markii uu gubtay kaarkii \u00a0Yuusuf Sh. Ciise Kabo ku-tukade, hadda waa Karatee. Waa isku day quusi ka muuqato, bal haddii hab beeleed lagu beer laxawsan karo dadka deegaanka ee u kacay xididdo siibka khawaarijta Shabaab.<\/p>\n<p>Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ka socda dagaal jiritaan oo ay tahay in uu dhan u dhaco, dhanka uu u dhacayana waa muuqdaa!, Shabaab waxaa u furan labo waddo middood:- \u00a0In ay is dhiibaan iyo in ay ku dhammaadaan gacanta dowladda iyo shacabka is garabsanaya.<\/p>\n<p>Maxaa laga filan karaa Mahad Karatee? \u00a0Marka uu khudbeynayo waxaad ka maqli doontaa Aayado Qur&#8217;aan iyo Axaadiith, \u00a0isagoo is bihin bihinaya, waxaa kaloo hadalkiisa ku jiri doona qiyaasteyda dhacdooyin kooxdu u arkaan guulo ay gaareen sida dagaalkii Cowsweyne, qaraxyo iyo weerarro kale, oo uu isku dayayo in uu kor ugu qaado mooralka maleeshiyaadka ciirsiga la&#8217; ee kooxda.<\/p>\n<p>Haddii la soo koobo hadalka Mahad Karatee waxa uu xambaarsan yahay catow iyo in uu guuldarrada kooxda u yeelo dhadhan guuleed, \u00a0Laakiin Shacabka Soomaliyeed iyo dowladdoodu waxay gaareen go&#8217;aankooda ah &#8220;Guul ama Geeri&#8221;<\/p>\n<p>Mahad Karatee sidiiba la filayay ayuuba u calaacalay. Cadow ayaa na soo weeraray!, \u00a0Shareecadaa lala dagaalayaa!, \u00a0Guul ayaan gaarnay!, \u00a0Askarta Alle ayaan nahay, Balaa Balaa Balaa!, wuxuuna magac dhabay beelo uu is xijinayo oo uu yiri waxay noo yihiin garab. Waa siyaasadda qeybi oo xukun ee Argagixisadu muddo ku soo caano maashay, balse hadda u shaqeyn la\u2019, wuxuuna guulo been ah ka sheegtay dagaallo ka dhacay meelo kala duwan sida Cowsweyne, Owdheegle, Daarunimca, Alkowthar, Ruun-Nirgood iyo goobo kale oo badankood lagu jabiyay, lagana eryay Alshabaab.<\/p>\n<p>Mahad Karatee wuxuu ciyaaray kaalintii wariyeyaasha kooxda oo wuxuu soo gudbiye ka ahaa filin qoran oo ay la socdaan codad (Sound Bites) dad dhintay iyo kuwo nool oo si khaldan looga faa\u2019iideysanayo fasirkooda, waxaase ugu xiiso badan calaacalka Mahad Karatee in uu Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibad ka codsaday in ay garab siiyaan Alshabaab,\u00a0 wuxuu soo xusuustay inay jiraan dad Soomaaliyeed oo la yiraahdo Aqoon yahan, Culimo, Haween, Qurbejoog iwm, waxaase ugu sii yaab badan markii uu yiri:- \u00a0Wax dhiig leh idikuma jiraan miyaa?.<\/p>\n<p>Hadda Ogow Shacabka uu gargaarka ka dalbanayaa waa kuwii uu tarab-tarabta ugu laayay qaraxyada ee uu digashada ugu daray! \u00a0Isgoyska Zoobe October 14,2017-kii iyo October 29, 2022kii, Zope 1, waxay Khawaarijta \u00a0Alshabaab ku xasuuqeen ku dhawaad kun qof, kan labaadna in ka badan 100 ruux oo rayid ah.<\/p>\n<p>Mahad Qaleey (Karatee) markii uu hadlaayay kama muuqato in uu furin dagaal joogo.,\u00a0 waxa uu ka soo hadlayaa qol si fiican loo naqshadeeyay oo qaboojiye ku xiran yahay, laguna xardhay astaamaha khawaarijta. Waxa uu joogaa goob aan dagaal ka jirin hadda, waxay noqon karta jilib ama goobaha kale ee kooxdu ku dambeyso. Mahad Karatee, waxaa codkiisa ka muuqata cabsi iyo walwal uu ka qabo masiirkiisa iyo kan kooxdiisa gabaabsiga ah. Horjoogeyaasha Argagixisadu taariikh ahaan ma tagaan, kumana dhintaan fagaareyaasha dagaalka.<\/p>\n<p>Tusaale ahaan;\u00a0 Hoggaamihii Alqaacidda Usaama Bin Laadin waxaa lagu dilay Guri ku yaalla Pakistan, Ninkii baddelay ee Ayman Aldawahiri waxaa lagu dilay Guri ku yaalla xaafadda diblomaasiyiinta ee Kabul, Axmed Godane waxaa lagu dilay meel u dhow Baraawe isagoo qare cunaaya, \u00a0Aadan Ceyrow waxaa lagu dilay Guri ku yaalla Dhuusamareeb,\u00a0 Saalax Nabhaan waxaa lagu dilay duleedka Baraawe, \u00a0isagoo\u00a0 tijaabsanayay gaari nooca raaxada ah oo hadiyad loo siiyay, Fasuul Cabdalla waxaa la dilay isagoo gaari ku watay 40 kun oo Doollar, markii uu waddo khaldan qaaday.<\/p>\n<p>Madaxda Argagixisada iyaga iyo qoysaskoodu qeyb kama aha dagaallada ee carruurta islaameed ayay xaabo ka dhigtaan marka ay marin habaabiyaan.<\/p>\n<p>W.Q. Liibaan Cabdi Cali.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Alshabaab ayaa dadka u ballaminaya hadal-jeedinta mid ka mid ah horjoogeyaasha kooxda ugu arxanka daran, waa Mahad Karatee. Waxay na leeyihiin wuxuu ka hadli doonaa xaaladda Ciidan iyo Siyaasadeed ee dalka ka taagan. Si fiican ugu fiirso erayada &#8220;Siyaasad iyo Dalka&#8221; oo is weydii goorma ayay Alshabaab dal u aqoonsadeen Soomaaliya?, \u00a0sow kuwii lahaa waa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":497450,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-497449","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/497449","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=497449"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/497449\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":497451,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/497449\/revisions\/497451"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/497450"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=497449"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=497449"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=497449"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}