{"id":497222,"date":"2023-09-13T15:48:11","date_gmt":"2023-09-13T12:48:11","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=497222"},"modified":"2023-09-13T16:06:06","modified_gmt":"2023-09-13T13:06:06","slug":"ciidamada-qalabka-sida-oo-30-xubnood-oo-ka-tirsan-khawaarijta-ku-dilay-howlgallo-ka-dhacay-galmudug","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidamada-qalabka-sida-oo-30-xubnood-oo-ka-tirsan-khawaarijta-ku-dilay-howlgallo-ka-dhacay-galmudug\/","title":{"rendered":"Ciidamada qalabka sida oo 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay howlgallo ka dhacay Galmudug"},"content":{"rendered":"<p>Dhuusamareeb-(SONNA)-Hawlgallo ay fuliyeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka oo ka dhacay deegaannada Dab Xagar iyo Dab Qurun oo hoos taga magaalada Wabxo iyo degaannada Oodaale iyo Ceel Sabaax oo hoos taga magaalada Ceel-Garas ayaa lagu dilay ilaa iyo 30 ka tirsan Khawaarijta.<\/p>\n<p>Hawlgalladan oo lagu beegsaday meelo ay si qarsoodi ah isugu uruursanayeen cadawga Khawaarijta ah ayaa sidoo kale lagu burburiyay qaraxyo iyo saanado kale oo ciidan oo ay diyaarinayeen cadawga.<\/p>\n<p>Ciidanka qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay guulo waawayn ka gaaray hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda Galmudug, waxaana lagu guulaystay in gacanta cadawga laga saaro deegaanno badan oo muhiim ah.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go\u2019aansaday in ay cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul-qaadaan garabna istaagaan ciidanka qaranka.<\/p>\n<p>Waxaa ka go\u2019an dowladda oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta.<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-497223 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/376391839_715993203703178_141275221985767874_n.jpg\" alt=\"\" width=\"1125\" height=\"1600\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/376391839_715993203703178_141275221985767874_n.jpg 1125w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/376391839_715993203703178_141275221985767874_n-211x300.jpg 211w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/376391839_715993203703178_141275221985767874_n-720x1024.jpg 720w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/376391839_715993203703178_141275221985767874_n-768x1092.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/376391839_715993203703178_141275221985767874_n-1080x1536.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/09\/376391839_715993203703178_141275221985767874_n-860x1223.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1125px) 100vw, 1125px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dhuusamareeb-(SONNA)-Hawlgallo ay fuliyeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka oo ka dhacay deegaannada Dab Xagar iyo Dab Qurun oo hoos taga magaalada Wabxo iyo degaannada Oodaale iyo Ceel Sabaax oo hoos taga magaalada Ceel-Garas ayaa lagu dilay ilaa iyo 30 ka tirsan Khawaarijta. Hawlgalladan oo lagu beegsaday meelo ay si qarsoodi ah isugu uruursanayeen cadawga Khawaarijta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":497187,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-497222","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/497222","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=497222"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/497222\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":497224,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/497222\/revisions\/497224"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/497187"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=497222"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=497222"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=497222"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}