{"id":496756,"date":"2023-09-07T16:30:21","date_gmt":"2023-09-07T13:30:21","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=496756"},"modified":"2023-09-07T16:30:21","modified_gmt":"2023-09-07T13:30:21","slug":"wasiirka-maaliyadda-xfs-oo-dooxa-kula-kulmay-dhiggiisa-qatar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-maaliyadda-xfs-oo-dooxa-kula-kulmay-dhiggiisa-qatar\/","title":{"rendered":"Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dooxa kula kulmay Dhiggiisa Qatar"},"content":{"rendered":"<p>Dooxa,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan dalka Qatar ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha waxa uu kula yeeshay magaalada Dooxa dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Qatar Mudane. Ali Bin Ahmed.<\/p>\n<p>Kulankaan ay magaalada Dooxa ku yeesheen Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa intii uu socday waxa ay diiradda ku saareen arrimaha hannnaanka Deyn-Cafinta, iskaashaga horumarinta dhaqaalaha labada dal iyo xoojinta nidaamyada Maaliyadeed ee muhiimka u ah dib-u-habaynta Maaliyadda dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda Hey&#8217;addaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha ee dalka Qatar.<\/p>\n<p>\u201cWaxa aan maanta magaalada Dooxa a ee xarunta Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali bin Ahmed Al-Kuwari. Waxa aan ka wadahadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda, xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha labada dal iyo Arrimaha deyn-cafinta oo hada meel gabo-gaba ah maraya&#8221;. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo kaddib kulanka uu la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar.<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliiyadda ayaa ka mid ah wafdiga uu hogaaminayo R\/Wasaaraha ee booqada u jooga dalka Qatar. Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar, taageeradeeda ay la garab taagan tahay Dowladda Fedeeralka Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dooxa,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan dalka Qatar ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha waxa uu kula yeeshay magaalada Dooxa dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Qatar Mudane. Ali Bin Ahmed. Kulankaan ay magaalada Dooxa ku yeesheen Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa intii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":496757,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-496756","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/496756","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=496756"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/496756\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":496758,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/496756\/revisions\/496758"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/496757"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=496756"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=496756"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=496756"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}