{"id":495796,"date":"2023-08-28T08:38:45","date_gmt":"2023-08-28T05:38:45","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=495796"},"modified":"2023-08-28T08:38:45","modified_gmt":"2023-08-28T05:38:45","slug":"warmurtiyeedka-shirka-golaha-wadatashiga-qaran-oo-lagu-soo-gabagabeeyay-dhuusamareeb","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warmurtiyeedka-shirka-golaha-wadatashiga-qaran-oo-lagu-soo-gabagabeeyay-dhuusamareeb\/","title":{"rendered":"Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb"},"content":{"rendered":"<p>Dhuusamareeb(SONNA):-Shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, 26 \u2013 27 Agoosto 2023.<\/p>\n<p>Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa kulankoodii 7-aad diiradda ku saaray\u00a0seddax qodob oo kala ah:<\/p>\n<div class=\"jeg_block_heading jeg_block_heading_5 jeg_subcat_right\"><\/div>\n<div>\n<p>1 \u2013 Dhameystirka howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada kooban ee weli ku harsan gacanta cadawga iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.<\/p>\n<p>2 \u2013 Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo degaannada lagu xorayn doono howlgallada wajiga 2-aad.<\/p>\n<p>3 \u2013 Dib-u-heshiisiinta bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.<\/p>\n<p>Bogaadin:\u00a0Goluhu wuxuu Bogaadinayaa guulaha waaweyn ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada ay ka gaareen dagaalladii u dambeeyay ee khawaarijta looga xoreeyay degaanno badan oo muhiim ah ee dhaca Gobolka Galguduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.<\/p>\n<p>\u2022 QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY:\u00a0Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa falanqeyn dheer kadib ku heshiiyay qodobada hoos ku xusan:<\/p>\n<p>\u2022 HOWLGALLADA DIB-U-XOREYNTA\u2022\u00a0Goluhu wuxuu adkeynayaa in dowladda federaalka, dowladdaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir iyo isku tashi leh u xaqiijiyaan amniga una xajistaan amniga deegaanada la xoreeyay.<\/p>\n<p>\u2022 Goluhu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istraatiijiyadda Qaran ee la dagaalanka khawaarijta, la iskuna dubbarido dadaallada kala duwan ee hey\u2019addaha dalka.<\/p>\n<p>\u2022 Goluhu waxuu adkeynayaa in dalku uu ku jiro xaalad dagaal ayna waajib tahay in aan loo kala harin dadaallada dib-u-xoraynta dalka.<\/p>\n<p>\u2022 Goluhu wuxuu go\u2019aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka hawlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta, lana ballaariyo howlgallada dib-u-xoraynta.<\/p>\n<p>\u2022 XASILINTA DEEGAANADA LAGA XOREEYAY KHAWAARIJTA\u25aa\u00a0Goluhu wuxuu adkeynayaa ahamiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaarijta.<\/p>\n<p>Goluhu wuxuu farayaa hay\u2019adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay mideeyaan qorsheyaasha mashaariicda iyo adeegyada bulshada sida maamul-sameynta, amniga, caafimaadka, cadaaladda, waxbarashada ee ay sida deg dega ah ugu baahanyihiin degaannada la xoreeyay.<\/p>\n<p>\u25aa\u00a0Goluhu wuxuu ka codsanayaa ganacsatada, hantileyda Soomaaliyeed iyo kuwa kheyrka jecel in ay ka qeybqaataan dadaalada dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay.<\/p>\n<p>\u25aa\u00a0Goluhu wuxuu ka codsanayaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya in ay kaalmo wax ku ool ah ka geystaan degaanada laga xoreeyay khawaarijta si waafaqsan qorshaha xasilinta dowladda.<\/p>\n<p>\u2022 U DIYAARGAROWGA WAJIGA LABAAD EE HOWLAGALLADA\u25aa\u00a0Golohu wuxuu isla qaatay in si wadajir ah loo dardargaliyo diyaargarowga DFS iyo DXDF ay ugu jiraan wajiga 2-aad ee dagaalka lagu xoreynayo deegannada wali ku jira gacanta khawaarijta ee Jubalaand, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle (Galbeedka Wabi Shabeelle).<\/p>\n<p>Golohu wuxuu ku boorinayaa dhallinyarada iyo horjoogayaasha khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda, iyagoo ka faa\u2019iidaysataan fursadda xeerka cafiska, kana tanaasulaan fekerka xagjirnimada.<\/p>\n<p>\u2022 DIB-U-HESHIISIIN IYO NABADAYN BULSHO\u2022 Goluhu wuxuu go\u2019aamiyay u diyaar-garowga dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed si colaadaha ay khawaarijtu dhex dhigeen xal- waara looga gaaro.<\/p>\n<p>\u2022 Goluhu wuxuu farayaa hay\u2019adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay dardar galiyaan fulinta istaraatiijiyada iyo qorshaha Qaran ee dib-u-heshiisinta, nabadaynta bulshada iyo ciribtirka xagjirnimada.<\/p>\n<p>\u2022 QODOBBO KALE\u25aa\u00a0Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u25aa\u00a0Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda.<\/p>\n<p>\u25aa\u00a0Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista.<\/p>\n<p>\u25aa\u00a0Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool.<\/p>\n<p>\u2022 MAHADCELIN\u25aa\u00a0Goluhu wuxuu mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Dowladda iyo shacabka Galmudug oo si buuxda u martigeliyay shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-551185 size-full\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176094551.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" srcset=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176094551.jpg 720w, https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176094551-210x300.jpg 210w, https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176094551-500x715.jpg 500w\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"1030\" data-pin-no-hover=\"true\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-551186\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176099342.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" srcset=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176099342.jpg 720w, https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176099342-212x300.jpg 212w, https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176099342-500x707.jpg 500w\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"1018\" data-pin-no-hover=\"true\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-551187\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176113270.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" srcset=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176113270.jpg 720w, https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176113270-214x300.jpg 214w, https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176113270-500x699.jpg 500w\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"1007\" data-pin-no-hover=\"true\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-551188\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176125504.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" srcset=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176125504.jpg 720w, https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176125504-210x300.jpg 210w, https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176125504-500x714.jpg 500w\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"1028\" data-pin-no-hover=\"true\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-551189\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176135650.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" srcset=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176135650.jpg 720w, https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176135650-222x300.jpg 222w, https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2023\/08\/FB_IMG_1693176135650-500x677.jpg 500w\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"975\" data-pin-no-hover=\"true\" \/><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dhuusamareeb(SONNA):-Shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, 26 \u2013 27 Agoosto 2023. Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa kulankoodii 7-aad diiradda ku saaray\u00a0seddax qodob oo kala ah: 1 \u2013 Dhameystirka howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada kooban ee weli ku harsan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":495797,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-495796","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/495796","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=495796"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/495796\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":495798,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/495796\/revisions\/495798"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/495797"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=495796"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=495796"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=495796"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}