{"id":495620,"date":"2023-08-26T11:23:20","date_gmt":"2023-08-26T08:23:20","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=495620"},"modified":"2023-08-26T11:23:20","modified_gmt":"2023-08-26T08:23:20","slug":"shacabka-deegaanka-guulane-oo-taageeray-howlgallada-khawaarijta-dalka-looga-xoreynayo-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/shacabka-deegaanka-guulane-oo-taageeray-howlgallada-khawaarijta-dalka-looga-xoreynayo-warbixin\/","title":{"rendered":"Shacabka deegaanka Guulane oo taageeray howlgallada Khawaarijta Dalka looga xoreynayo (Warbixin)."},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNNA):- Saraakiisha ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka Guullane, barbaarta gaashaaman, abwaanno,dhallinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyay deegaankaas saraakiisha wacyigelinta Ciidamada Xoogga Dalka oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa furimaha hore ee lagula dagaallamayo kooxda Khawaatijta Al-shabaab.<\/p>\n<p>Waxaanna ugu horeyn goobta, shirib lagu cabirayay halganka lagula jiro Khawaarijta iyo gumaadka ay shacabka ku hayaan ka soo jeediyay abwaannada iyo waxgaradka deegaanka Guullane.<\/p>\n<p>Qaar ka midnah odayaasha dhaqanka deegaanka, saraakiisha xaq-u-dirirka iyo guddoomiyaha deegaanka Guullane oo goobta ka hadlay ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay guud ahaan madaxda Dalka iyo sida markasta heegan ugu yihiin in Dalka laga xoreeyo Khawaarijta.<\/p>\n<p>&#8221; Mahad Allaa iska leh, reer Guullane waxay ku faraxsan yihiin guusha laga gaaray Khawaarijta, waxaana madaxda qaranka u sheegeynaa in reer Guullane qeyb ka qaateen sidii Dalka looga xoreyn lahaa cadowga,&#8221; ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka oo goobta ka hadlay.<\/p>\n<p>Sidoo kale, mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa yiri &#8221; Dowlad la&#8217;aan waa dhib, Dowladda maanta noo timid kor Alle haka dhigo ayaa leennahay,&#8221;.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, saraakiisha wacyigelinta ciidamada xoogga dalka ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta ay u sameeyeen reer Guullane, iyagoo dadka deegaanka kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan halganka ay kula jiraan Khawaarijta.<\/p>\n<p>Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guulo wax ku ool ka gaaray dagaalka ay kula jiraan kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo ah koox maafiyo ah oo shacabka Soomaaliyeed dil, qarxin iyo gumaad joogta ah ku haya in ka badan 15-sanno, waxayna hadda u muuqdaan kuwo gabalkooda sii dhacayo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNNA):- Saraakiisha ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka Guullane, barbaarta gaashaaman, abwaanno,dhallinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyay deegaankaas saraakiisha wacyigelinta Ciidamada Xoogga Dalka oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa furimaha hore ee lagula dagaallamayo kooxda Khawaatijta Al-shabaab. Waxaanna ugu horeyn goobta, shirib lagu cabirayay halganka lagula jiro Khawaarijta iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":484834,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-495620","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/495620","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=495620"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/495620\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":495628,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/495620\/revisions\/495628"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/484834"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=495620"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=495620"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=495620"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}