{"id":495154,"date":"2023-08-21T13:36:34","date_gmt":"2023-08-21T10:36:34","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=495154"},"modified":"2023-08-21T13:37:27","modified_gmt":"2023-08-21T10:37:27","slug":"toogasho-ka-dhacday-meel-u-dhow-hebroon-oo-lala-beegsaday-laba-israaiil-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/toogasho-ka-dhacday-meel-u-dhow-hebroon-oo-lala-beegsaday-laba-israaiil-ah\/","title":{"rendered":"Toogasho ka dhacday meel u dhow Hebroon oo lala beegsaday laba Israa\u2019iil ah"},"content":{"rendered":"<p>Haweeney Israa\u2019iili ah ayaa dhimatay nin kalena waxaa soo gaaray dhaawac halis ah,kadib markii rasaas lagu furay gaari marayey wadada 60-aad ee u dhow magaalada Hebron ee daanta galbeed.<\/p>\n<p>War saxaafadeed ay soo saartay kooxda Islamic Jihaad ee Falastiin waxay ku sheegtay in toogashadu ay tahay jawaab ku aaddan dembiyada iyo gardarrada ay Israa\u2019iil ku hayaan dadka reer Fakastiin.<\/p>\n<p>Ciidamada Israa\u2019iil oo soo gaaray goobta uu ka dhacay shilkaasi aya bilaabay baaritaanno,waxayna guud ahaan xireen deegaankaasi,iyadoo Ra\u2019iisul wasaaraha Israa\u2019iil Benjamin Netanyahu lagu wargeliyay weerarkaaasi.<\/p>\n<p>Dhacdadaan ayaa daba socotaa weerar kale oo toogasho ah oo todobaadkii hore ka dhacay koonfurta Nablus ee Daanta Galbeed, halkaas oo ay ku dhinteen laba Israa&#8217;iiliyiin ah.<\/p>\n<p>Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sanadkan waxaa ka dhacay rabshado aad u xoog badan, kuwaas oo ahaa kuwii ugu badnaa muddo labaatan sano ku dhow, iyadoo ciidamada Israa\u2019iil ay marar badan gudaha u galeen xeryaha qaxootiga ee Falastiiniyiinta.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Haweeney Israa\u2019iili ah ayaa dhimatay nin kalena waxaa soo gaaray dhaawac halis ah,kadib markii rasaas lagu furay gaari marayey wadada 60-aad ee u dhow magaalada Hebron ee daanta galbeed. War saxaafadeed ay soo saartay kooxda Islamic Jihaad ee Falastiin waxay ku sheegtay in toogashadu ay tahay jawaab ku aaddan dembiyada iyo gardarrada ay Israa\u2019iil ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":495155,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-495154","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/495154","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=495154"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/495154\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":495157,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/495154\/revisions\/495157"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/495155"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=495154"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=495154"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=495154"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}