{"id":493966,"date":"2023-08-07T14:32:53","date_gmt":"2023-08-07T11:32:53","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=493966"},"modified":"2023-08-07T14:48:40","modified_gmt":"2023-08-07T11:48:40","slug":"hantidhawrka-qaranka-oo-sheegay-inaan-wanaagsan-loo-maamulin-lacago-ay-qabteen-safaaradaha-kenya-turkiga-iyo-jarmalka-ee-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hantidhawrka-qaranka-oo-sheegay-inaan-wanaagsan-loo-maamulin-lacago-ay-qabteen-safaaradaha-kenya-turkiga-iyo-jarmalka-ee-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Hantidhawrka Qaranka oo sheegay in aan si wanaagsan loo maamulin lacago ay qabteen Safaaradaha Kenya, Turkiga iyo Jarmalka ee Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p><!--more-->Muqdisho(SONNA);-Hanti-dhowraha guud ee qaranka Mudane, Axmed Ciise Guutaale, oo maanta shir jaraa\u2019id ku qabtay magaalada Muqdisho, kana hadlayey warbixin sanadeedka Hantidhawrka ayaa faah-faahin ka bixiyay baarista uu xafiiskiisa ku sameeyay qaar kamid ah safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dibadda.<\/p>\n<p>Mudane, Axmed Ciise Guutaale, ayaa sheegay\u00a0 in baaristaan lagu sameeyay saddex safaaraddood ee Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in lacagaha ay qabteen aan loo maamulin si wanaagsan, isla-markaana aan lagu darin warbixinta maaliyadda ee dowladda.<\/p>\n<p>\u201cDakhli dhan 1.9 mliyan oo ay qabteen hay\u2019adaha kala ah safaaradda JFS ee Kenya, safaaradda JFS ee Turkiga iyo safaaradda JFS ee Jarmalka ayaan loo maamulin si wanaagsan , looguna darin warbixinta maaliyadeed ee dowladda\u201d ayuu yiri Guutaale<\/p>\n<p>\u201cMarka la eego khaladaadkaas hay\u2019adaha ay baarista quseysay waxaa fikrad cilad leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadeed ama xisaab xirka sanadka 2022 ee loo soo gudbiyay xafiiska hantidhowrka guud ee qaranka,\u201d ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guutaale.<\/p>\n<p>Hanti dhowaraha waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay khaladaadka ay sameeyeen saddexda safaaradood, isaga oo xusay in baarista ay ku ogaadeen in aysan dhaqan-gelin xeerarka maaliyadeed ee loogu talagalay uruurinta dakhliga soo gala.<\/p>\n<p>Xafiiska hantidhowraha ayaa guud ahaan cadadka lacageed ee ku maqan safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka ku sheegay illaa 3 miliyan oo dollar, taas oo uu tilmaamay in aan lagu shubin khasanadda dhexe ee dowladda.<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_230807_143333_424.sdocx--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"","protected":false},"author":44,"featured_media":493967,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-493966","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/493966","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=493966"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/493966\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":493974,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/493966\/revisions\/493974"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/493967"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=493966"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=493966"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=493966"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}