{"id":493477,"date":"2023-08-01T20:12:10","date_gmt":"2023-08-01T17:12:10","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=493477"},"modified":"2023-08-01T20:17:11","modified_gmt":"2023-08-01T17:17:11","slug":"ciidanka-xoogga-dalka-oo-maleeshiyada-al-shabaab-ka-saaray-deegaano-ka-tirsan-shabeelaha-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidanka-xoogga-dalka-oo-maleeshiyada-al-shabaab-ka-saaray-deegaano-ka-tirsan-shabeelaha-hoose\/","title":{"rendered":"Ciidanka xoogga dalka oo maleeshiyada Khawaarijta ka saaray deegaano ka tirsan Shabeelaha hoose"},"content":{"rendered":"<p>Baraawe (SONNA): Hawlgal qorshaysan oo ay saaka sameeyeen ciidan ka tirsan guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayey maleeshiyaadka Khawaarijta kaga saareen deegaanada Rasdaay, Feytaan, Sadex-aqal iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Baraawe.<\/p>\n<p>Deegaanadaas ayey maleeshiyadu qaarkood si dhuumaalaysi ah ku imaan jireen, halka kuwa kalena ay u ahaayeen fariisimo ay shacabka ku baadaan, kana soo abaabulaan weerada dhagarta ah.<\/p>\n<p>Xidigle Daahir Axmed Cali taliye horinka 1-aad, ururka 25-aad, guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in hawlgalkan ay saaka qaadeen uu u dhacay sidii loo qorsheeyey ayna sii wadayaan baacsiga maleeshiyada Khawaarijta ah ee Khawaarijta.<\/p>\n<p>&#8220;Ma tabar badna balse inay dadka ku dhibaan ayey meelahaas u yimaadaan, qorshaheenu wuxuu yahay in meel kasta oo nimankaas [Khawaarijta] lagu sheego inaan tagno, shaqadeenuna waa intaas &#8221; ayuu yiri xidigle Daahir.<\/p>\n<p>Hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee ciidamada Qaranku dalka kaga nadiifinayaan maleeshiyada argagixisada ah ee Khawaarijta, kaas oo ka socda gobolada ay kooxdu wali dalka uga harsantahay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Baraawe (SONNA): Hawlgal qorshaysan oo ay saaka sameeyeen ciidan ka tirsan guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayey maleeshiyaadka Khawaarijta kaga saareen deegaanada Rasdaay, Feytaan, Sadex-aqal iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Baraawe. Deegaanadaas ayey maleeshiyadu qaarkood si dhuumaalaysi ah ku imaan jireen, halka kuwa kalena ay u ahaayeen fariisimo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":493478,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-493477","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/493477","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=493477"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/493477\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":493481,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/493477\/revisions\/493481"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/493478"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=493477"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=493477"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=493477"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}