{"id":493035,"date":"2023-07-27T19:27:51","date_gmt":"2023-07-27T16:27:51","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=493035"},"modified":"2023-07-27T19:27:51","modified_gmt":"2023-07-27T16:27:51","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-mareykanka-kala-hadlay-cunaqabateynta-maaliyadeed-ee-argagixisada-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-mareykanka-kala-hadlay-cunaqabateynta-maaliyadeed-ee-argagixisada-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mareykanka kala hadlay cunaqabateynta Maaliyadeed ee argagixisada Al-shabaab"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ku-xigeenka xoghyaha Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Alshabaab.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareynka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta iyo hormarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go\u2019antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharicdarada iyo ladagaallanka argagixisada.<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-493036\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0003.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0003.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0003-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0003-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0003-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0003-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0003-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0003-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0003-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-493037\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0002.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0002.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0002-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0002-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0002-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0002-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0002-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0002-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0002-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-493038\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0001.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0001.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0001-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0001-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0001-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0001-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0001-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0001-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/07\/IMG-20230728-WA0001-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ku-xigeenka xoghyaha Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Alshabaab. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":493036,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-493035","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/493035","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=493035"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/493035\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":493039,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/493035\/revisions\/493039"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/493036"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=493035"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=493035"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=493035"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}