{"id":491662,"date":"2023-07-13T10:23:13","date_gmt":"2023-07-13T07:23:13","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=491662"},"modified":"2023-07-13T10:24:52","modified_gmt":"2023-07-13T07:24:52","slug":"musuq-maasuqu-wuxuu-caqabad-ku-yahay-dawladnimada-qeybta-2-aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/musuq-maasuqu-wuxuu-caqabad-ku-yahay-dawladnimada-qeybta-2-aad\/","title":{"rendered":"Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 2-aad \u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa\u00a0 la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah\u00a0 ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, hadaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Diinta Islaamku, sidee uga hadashay ammaamada, khiyaannada iyo masuq-maasuqa?.<\/strong><\/p>\n<p>Wasiir Diinta iyo Arrimaha Awqaafta Mukhtaar Roobow Cali \u201d Ammaanada oo la khiyaano mushtamaca oo dhan ayay ku soo noqoneysaa, qof walba mas\u2019uuliyadda uu haayo haddii uu ku dadaalo waxaa iman doonto, waxaan la sheegayo in ay baaba\u2019aan masuq-maaasuqa la sheegayo, inta ay shareecada Islaamka, Qur\u2019aanka iyo Axaadiista Nabiga ( CSW) ay daweeyeen, masuq maasuq nidaam bini-aadam sameeyay ama Diin kale oo daweysay anigu ma maqal,\u201d.<\/p>\n<p>Dowladda waxay si isku mid ah ula dagaallameysaa Khawaarijta oo caqabad ku ah nabadda iyo musuqmaasuqa\u00a0 oo ah dilaaga horumarka dowladnimada.<\/p>\n<p>Dhanka la dagaallanka Khawaarijtu, Dowladda waxay ku qaadday dagaal saddex weji leh. Dagaalladaas waxay keeneen guusha ah in la wiiqo awooddii Khawaarijta Al-shabaab. Dowladda markaan waxay ku dhawaaqday dagaal xoog leh oo ay ku qaadayso musuq-maasuqa oo ah dilaaga horumarka iyo nabadda.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shaqsiyaadka ku kaca musuq-maasuqa dadka qaarkood ku dhiirageliyaan xatooyada uu sameynayo.<\/p>\n<p>\u201d Waxaan rabaa walaalayaal Dowladdu tallabooyin ayay qaaday, ay kula dirireyso masuq-maasuqa, kuwo waa weynna waa soo wadnaa,walaalayaalow wiil yar ama gabadh yarba aan dhaho, wiilasheysa u badan tahay ee daqliga soo galaaya la garanayo, mushaar 500-boqol, 400, ama 700-boqol ah qaadanayo ama ka yar qaato, ayaa daaro dhaa-dheer magaalada ka dhisanayo, waa ammaanan yahay nin karmeed waaye sida uu wax u qabsaday ma aragtay,xaqiiqdana waa maxay waa tuug,\u201d ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh.<\/p>\n<p>Cadowga muuqda ee aan leenahay waa Khawaarijta Al-shabaab, waxaase jira mid aan ka liidan oo Bulshadu ay caadi ka dhigteen.<\/p>\n<p>\u201d Shabaab marka laga reebo Khawaarijtaas, cadow ka weyn oo Soomaali leedahay masuq ma jiro,marka dhaqan buu inoo noqday, guryuhu ayuu joogaa ee aan guryaha ka soo sifeyno,\u201d ayuu yiri Raiisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Si looga hortago masuq maasuqa, hey\u2019adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan hey\u2019adaha garsoorka waxaa ka dhex bilowday Isla xisaabtan iyo in laga fogaado xatooyo hanti dadweyne.\u201d Cidda kaliya ee lacag qaban karta ee qof lacag ka qaadi karta waxaa weeye waa sarkaalka Waasaaradda maaliyadda u xilsaaran hadba meesha la joogo, Maxkamad degmo, Gobol, mid racfaan, iyo Maxkamad sare,\u201d ayuu yiri Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan sheekh Maxamuud oo wax badan ka hadlay ariimha Musuq maamuqa ayaa waxa uu sheegay Caddaalad, ammaan, horumar ineysan imaan Karin haddii aan caddaalada la horgeynin shaqsiyaadka wax is-daba marinaya ama masuq-maasuqa ku kacaya.<\/p>\n<p>\u201d Dadka la daba cararayo hala dhaafo, caddaalad heli meyno, tuug iskama celin karno, dadka jeebadahooda lacagta Kuma baaqato, Dowladdana uma timaado, laakiin Dowladda uma timaado. Maxay Dowladda ku shaqeynee?. Amniga maxay ku sugee?, ninkan garsoorka ah ee caddaalad inuu falo aan rabno sidee la yeelaa?, waa lugeeyaan jidka ayay lugeeyaan nolol macno leh ma heystaan, Malaayiin dollar xukun ahaa loo keenaa, waxaa la rabaa inuu ka garnaqo oo xukun caadil ah ka sameeyo, isagana saakay ilmahiisa iyagoo baahan ama isagoo dhinacyada iska fiir-fiiranayo ayuu bajaaj soo raacay oo uu xafiiska ku yimid oo uu garta ka naqayo,\u201d.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shaqsiyaadka ku kaca musuq-maasuqa dadka qaarkood ku dhiirageliyaan xatooyada uu sameynayo.<\/p>\n<p>\u201d Waxaan rabaa walaalayaal Dowladdu tallabooyin ayay qaaday, ay kula dirireyso masuq-maasuqa, kuwo waa weynna waa soo wadnaa,walaalayaalow wiil yar ama gabadh yarba aan dhaho, wiila-sheysa u badan tahay ee dakhliga soo galaaya la garanayo, mushaar 500-boqol, 400, ama 700-boqol ah oo dollar qaadanayo ama ka yar qaato, ayaa daaro dhaa-dheer magaalada ka dhisanayo, waa ammaanan yahay nin karmeed waaye sida uu wax u qabsaday ma aragtay,xaqiiqdana waa maxay waa tuug,\u201d ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheekh.<\/p>\n<p>\u2018Cadowga muuqda ee aan leenahay waa Khawaarijta Al-shabaab, waxaase jira mid aan ka liidan oo Bulshadu ay caadi ka dhigteen. Shabaab marka laga reebo Khawaarijtaasi, cadow ka weyn oo Soomaali leedahay masuq ma jiro,marka dhaqan buu inoo noqday, guryuhu ayuu joogaa ee aan guryaha ka soo sifeyno,\u201d ayuu yiri Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isna soo hadal qaaday dadaalka Dowladda ee ku wajahan la dagaalanka cadowga kale ee haraadiyay Dowladnimada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Si looga hortago masuq maasuqa, hay\u2019adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan hay\u2019adaha garsoorka waxaa ka dhex bilowday Isla xisaabtan iyo in laga fogaado xatooyo hanti dadweyne.<\/p>\n<p>\u201d Cidda kaliya ee lacag qaban karta ee qof lacag ka qaadi karta waxaa weeye waa sarkaalka waasaaradda maaliyadda u xilsaaran hadba meesha la joogo, maxkamad degmo, gobol, mid racfaan, iyo maxkamad sare,\u201d ayuu yiri guddomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.<\/p>\n<p>Dagaalka ay Dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli la soo xiray dad lagu eedeynayo xatooyo hanti Dadweyne.<\/p>\n<p>La soco Qeybta 3-aad.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa\u00a0 la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah\u00a0 ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":491663,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-491662","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/491662","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=491662"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/491662\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":491664,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/491662\/revisions\/491664"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/491663"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=491662"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=491662"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=491662"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}