{"id":489996,"date":"2023-06-21T13:57:31","date_gmt":"2023-06-21T10:57:31","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=489996"},"modified":"2023-06-21T14:00:51","modified_gmt":"2023-06-21T11:00:51","slug":"howlgalka-atmis-oo-billaabay-dhimista-ciidamadooda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/howlgalka-atmis-oo-billaabay-dhimista-ciidamadooda\/","title":{"rendered":"Howlgalka ATMIS oo billaabay dhimista Ciidamadooda"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Howlgalka kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa billaabey dhimista Ciidamada, iyada oo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 (22) iyo 2670 (22), kaas oo faraya howlgalka ATMIS in ay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.<\/p>\n<p>Howlgalka ATMIS oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya (UNSOS) ayaa ku wareejiyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) xaruntii ugu horreysay ee saldhigga Ciidanka Xaaji Cali ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS Gaashaanle dhexe, Richard Bimenyimana ayaa si rasmi ah xaruntan ugu wareejiyay taliyaha ciidanka XDS ee aaggaas, Gashaanle Bashiir Abuukar Axmed, waxaana munaasabadan ka qeyb galay saraakiil sar sare oo ka kala socday ATMIS iyo CXDS, taas oo uu gudoominayay taliyaha ciidamada ATMIS ee dhanka Qorsheynta Gash.dhexe. Collins Musau.<\/p>\n<p>\u201cSannado badan, waxaan si dhow ula shaqeynay CXDS, wadashaqeyntaasna waxay si weyn uga qeyb qaadatay horumarinta xasilloonida iyo amniga deegaankan, xil wareejinta maanta waxay qayb ka tahay wareejinta mas\u2019uuliyadda amniga dalka,\u201d ayuu yiri Gash.dhexe. Musau.<\/p>\n<p>Taliyaha CXDS \u00a0ee aaga Xaaji Cali, Gash. Bashiir, ayaa uga mahadceliyey ATMIS wareejinta xaruntan, wuxuuna sidoo kale xusay in xil wareejinta ay ka dambeysay xiriir wada shaqeyn oo dhex maray ATMIS iyo CXDS.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan had iyo jeer xiriir wanaagsan la lahayn howlgalka ATMIS inta ay halkan ka shaqeynayeen, haddana xilka ku wareejinayaan sidii loo igmaday, waan ku faraxsanahay inaan la wareegno mas\u2019uuliyadda amniga,\u201d ayuu yiri Gashaanle Bashiir.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS Gaashaanle dhexe, Richard Bimenyimana ayaa xasuusiyay dhammaan dhinacyada in xil-wareejintu ay tahay fulinta waajibaadka howlgalka ATMIS.<\/p>\n<p>\u201cWaa tallaabo muhiim ah oo uu maanta horey uqaaday howlgalka ATMIS, ka dib booqashadii hore ee ay qiimeynta ku sameeyeen saldhiggan hoggaanka Sare ee ATMIS, SNA iyo UNSOS,\u201d ayuu yiri Gash.dhexe. Bimenyimana.<\/p>\n<p>Hay\u2019ada Qaramada Midoobey ee UNSOS ayaa taageero farsamo iyo qalab siisay howlgalka ATMIS, waxayna CXD ku wareejiyeen ceel riig ah, qalabka lagu daweeyo biyaha iyo kaydinta, Janareetaro, Solarro, qalabka qaybinta korontada, talaajado iyo qaboojiyayaal.<\/p>\n<p>Saldhiga Xaaji Cali oo 70 km waqooyi-bari ka xiga Magalada Muqdisho ayaa ka mid ah 7 saldhig oo howlagalka ATMIS ku wareejinayo CXDS dhamaadka bisha June 2023, Bishii Janaayo ee sanadkan ATMIS ayaa saldhigga Maslax ee duleedka Muqdisho ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-489999 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS4.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1365\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS4.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS4-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS4-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS4-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS4-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS4-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS4-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS4-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS4-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-490000 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS3-1.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1365\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS3-1.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS3-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS3-1-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS3-1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS3-1-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS3-1-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS3-1-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS3-1-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS3-1-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-490001 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS2-1.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1365\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS2-1.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS2-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS2-1-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS2-1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS2-1-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS2-1-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS2-1-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS2-1-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS2-1-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-490002 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1365\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS1-1.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS1-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS1-1-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS1-1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS1-1-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS1-1-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS1-1-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS1-1-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/ATMIS1-1-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Howlgalka kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa billaabey dhimista Ciidamada, iyada oo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 (22) iyo 2670 (22), kaas oo faraya howlgalka ATMIS in ay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023. Howlgalka ATMIS oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":489997,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-489996","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489996","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=489996"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489996\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":490004,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489996\/revisions\/490004"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/489997"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=489996"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=489996"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=489996"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}