{"id":489805,"date":"2023-06-19T21:44:25","date_gmt":"2023-06-19T18:44:25","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=489805"},"modified":"2023-06-19T21:44:42","modified_gmt":"2023-06-19T18:44:42","slug":"soomaaliya-oo-martigelisay-aqoon-iswaydaarsiga-hawl-gelinta-suuqa-gaadiidka-cirka-ee-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-oo-martigelisay-aqoon-iswaydaarsiga-hawl-gelinta-suuqa-gaadiidka-cirka-ee-afrika\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo martigelisay aqoon iswaydaarsiga hawl-gelinta Suuqa gaadiidka cirka ee Afrika\u00a0"},"content":{"rendered":"<p style=\"text-align: left;\">Muqdisho (SONNA): Hay\u2019adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa martigelisay aqoon iswaydaarsiga wacyi-gelinta ee gobolka gaar ahaan waddamada ku bahoobay suuqa xorta ee Bariga iyo Bartamaha Africa (COMESA) oo la xiriira hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika (SAATM), taaso Soomaaliya ka dhigtay dalkii u horreeyay ee martigelinaya aqoon iswaydaarsigan.<\/p>\n<p>Waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday Wasaaradaha bahwadaagta ah ee Dawladda Federaalka ee kala ah: Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Ganacsiga, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Maaliyadda.<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Jaamac Cumar oo aqoon iswaydaarsigan furay, ayaa sheegay inay Soomaaliya xoojinayso dadaalladeeda ku aaddan hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika , isagoo markaa sheegay inuu Dalka muddo kooban ka mid noqday waddamada ugu horreeya ee dhinaca duulista Hawada.<\/p>\n<p>Maareeyaha guud ee Hay\u2019adda duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa dhankiisa sheegay in horumaridii u dambeeyay ee la sameeyay inay fududeeyeen Soomaaliya inay xoojiso doorkeeda hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika.<\/p>\n<p>\u201c Dalkeenna Duulista Hawada , wuxuu ka jooga horumar tusaale noqday.\u201d ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin intaa ku daray \u201c Aqoon iswaydaarsigan wuxuu Soomaaliya u u diyaarinayaa ka faa\u2019iideysiga Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika.\u201d<\/p>\n<p>Aqoon is-weydaarsiga oo maanta la soo gabagabeeyay ayaa socday labo maalin waxaana soo qabanqaabiyay barnaamijka Taageerada Horumarinta Gaadiidka Cirka (SATSD) ee Bariga Afrika, Koonfurta Afrika iyo Gobolka Badweynta Hindiya (EA-SA-IO).<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Hay\u2019adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa martigelisay aqoon iswaydaarsiga wacyi-gelinta ee gobolka gaar ahaan waddamada ku bahoobay suuqa xorta ee Bariga iyo Bartamaha Africa (COMESA) oo la xiriira hawl-gelinta Suuqa Gaadiidka Cirka ee Afrika (SAATM), taaso Soomaaliya ka dhigtay dalkii u horreeyay ee martigelinaya aqoon iswaydaarsigan. Waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday Wasaaradaha bahwadaagta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":489806,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-489805","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489805","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=489805"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489805\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":489807,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489805\/revisions\/489807"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/489806"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=489805"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=489805"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=489805"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}