{"id":489390,"date":"2023-06-14T10:35:11","date_gmt":"2023-06-14T07:35:11","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=489390"},"modified":"2023-06-14T10:35:11","modified_gmt":"2023-06-14T07:35:11","slug":"danjire-cawaale-kullane-oo-ka-qeyb-galay-shirka-madasha-hab-maamulka-caalamiga-ah-ee-xuquuqul-insaanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/danjire-cawaale-kullane-oo-ka-qeyb-galay-shirka-madasha-hab-maamulka-caalamiga-ah-ee-xuquuqul-insaanka\/","title":{"rendered":"Danjire Cawaale Kullane oo ka qeyb galay shirka &#8221; Madasha Hab-maamulka Caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka&#8221;,"},"content":{"rendered":"<p>Beijing, (SONNA):- Safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa ayaa maanta magaalada Beijing uga qeyb galay shirka \u201cMadasha Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka.<\/p>\n<p>Shirka waxaa isugu yimid, Diblomaasiyiin, mas\u2019uuliyiin ka tirsan Dowladda, khubaro iyo aqoonyahanno ka kala socday daafaha caalamka, waxaanna si weyn looga hadlay arrimaha xuquuqul insaanka ee caalamiga ah.<\/p>\n<p>Madasha oo ay si wadajir ah u martigaliyeen Wasaaradda arrimaha dibbada ee dalka Shiinaha iyo Hay&#8217;adda Horumarinta Caalamiga ah ee Dalkaas ayaa lagu xusay\u00a0 \u201cTheVienna Declaration\u201d baaqii Vienna, waxaana sido kale lagu lafaguray sidii lagu wanaajin lahaa Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka, iyada oo halku-dhigeedu yahay &#8220;Sinaanta, iskaashiga, iyo horumarka.<\/p>\n<p>Intii ay madashu socotay, Danjire Kullane ayaa si fir-fircoon uga qayb qaatay furitaanka Madasha, Danjiruhu waxa uu muujiyay sida ay uga go&#8217;an tahay in la hormariyo Hab-maamulka xuquuqul insaanka caalamiga, ayada oo la tixgelinayo sinnaan, iskaashi, iyo horumar.<\/p>\n<p>Sidoo kale, qosobada kale, ee diiradda la saaray waxaa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga caalamiga ee ku aadan arrimaha xuquuqul-insaanka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, iyo wax ka qabashada caqabadaha guud ee ku aaddan xuquuqul insaanka waqtigan casriga Digitaal-ka ah .<\/p>\n<p>Ka qaybgalayaashu waxay is waydaarsadeen fikrado iyo aragtiyo kala duwan , waxayna soo gudbiyeen talooyin lagu kobcinayo iskaashiga iyo horumarinta Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa Madashau ku tilmaamey in ay tahay mid curisay fursad wanaagsan oo si baahsan looga doodday sidii loo horumarin lahaa Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka, wuxuuna u mahad celiyey wasaaradda arrimaha dibbada ee dalka Shiinaha iyo Hay&#8217;adda Horumarinta Caalamiga ah ee Dalka Shiinaha martiqaadka iyo qabashada madasha qiimaha badan.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-489391\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0001.jpg\" alt=\"\" width=\"1280\" height=\"960\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0001.jpg 1280w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0001-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0001-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0001-768x576.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0001-860x645.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1280px) 100vw, 1280px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-489392\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0002.jpg\" alt=\"\" width=\"1280\" height=\"960\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0002.jpg 1280w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0002-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0002-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0002-768x576.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0002-860x645.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1280px) 100vw, 1280px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-489393\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0000.jpg\" alt=\"\" width=\"1055\" height=\"904\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0000.jpg 1055w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0000-300x257.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0000-1024x877.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0000-768x658.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/IMG-20230614-WA0000-860x737.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1055px) 100vw, 1055px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Beijing, (SONNA):- Safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa ayaa maanta magaalada Beijing uga qeyb galay shirka \u201cMadasha Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka. Shirka waxaa isugu yimid, Diblomaasiyiin, mas\u2019uuliyiin ka tirsan Dowladda, khubaro iyo aqoonyahanno ka kala socday daafaha caalamka, waxaanna si weyn looga hadlay arrimaha xuquuqul insaanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":489391,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-489390","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489390","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=489390"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489390\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":489394,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489390\/revisions\/489394"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/489391"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=489390"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=489390"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=489390"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}