{"id":489304,"date":"2023-06-13T10:27:49","date_gmt":"2023-06-13T07:27:49","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=489304"},"modified":"2023-06-13T10:30:20","modified_gmt":"2023-06-13T07:30:20","slug":"bulshada-ceeldheer-oo-u-qalab-qaatay-suulinta-raadadkii-khawaarijta-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/bulshada-ceeldheer-oo-u-qalab-qaatay-suulinta-raadadkii-khawaarijta-warbixin\/","title":{"rendered":"Bulshada Ceeldheer oo u qalab qaatay Suulinta raadadkii Khawaarijta (Warbixin)."},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Dhallinyarada ku nool degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo is-xilqaamay ayaa bilaabay in ay qeyb weyn ka qaataan bilicda deegaanka oo muddo badan argagixisadu u diidaneyd in ay shacabka nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan.<\/p>\n<p>Waxaad arkeysaa Dhallinyaro badan oo u soo baxay jarista geedka loo yaqaan Geed&#8221; Yahuudka&#8221; ama Cali-Garoob oo halkaas ka baxay muddadii Khawaarijtu ay joogtay, kuwaas oo inta badan xiray waddooyinka laga soo galo iyo kuwa looga baxo degmada.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Dhallinyarada wiilasha ah waxaa bar bar taagnaa haween dhiirran oo iyagana qeyb ka ahaa dib u soo celinta bilicda iyo nadaafadda deegaanka, kuwaas oo caano qabow ku habayay da&#8217;yarta wiilasha ee dhabarka u xirtay howshan.<\/p>\n<p>Tani ayaa muujineysa in shacabka Ceeldheer u bilaabatay nolol ku saleysan horumar iyo wax wada qabsi ka maqneyd muddadii 15-ka Sdano ee Khawaarijtu ay haysatay.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha KMG ah ee degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud Maxamed Cali Culusow ayaa ugu baaqay dhallinyarada iyo qeybaha kale ee Bulshada in ay soo baxaan kana qeybtaan dib u soo celinta nadaafadda, amniga iyo horumarka deegaanka si mar kale degmada oo la degtay Khawaarijta ula tar-tanto degmooyinka kale ee asaageeda ah.<\/p>\n<p>&#8221; Aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin, haddaad maqashiin qofkaas waa waddani, waddani maanta oo kale adinka waaye, waddani hadaad maqashiin, ninka u dhashay dhulkiisa oo u dhididaaya oo u dhimahaayo oo maanta geedka cadowga ah oo isaga iyo Cali Dheere isla mid yihiin jaraaya, waa ninkaas ninka waddaniga ah,&#8221; ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceeldheer..<\/p>\n<p>Guddooiyaha ayaa shacaka kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan danta guud, islamarkaana la dagaallamaan wax kasta oo ka hor imaanaya horumarka deegaanka.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Dhalinyarada degmada Ceeldheer ayaa dhankiisa balan qaaday in ay ka shaqeynayaan sidii loo soo celin lahaa bilicda deegaanka lana dagaallamayaan dhammaan raadadkii Khawaarijta.<\/p>\n<p>&#8221; Dhammaan waad u jeeddiin isku soo baxa aan sameynay wax badan ayaa qabanay,beri haddaan u soo noqon-nana wax badan ayaa qaban karnaa, marka waxaan idin ku boorinaa in dadaalka meesha laga sii wado oo aan la caajisin,&#8221;.<\/p>\n<p>Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa muddo 15-sano ku siman hortaagneyd in ay Bulshada Ceeldheer ka shaqeeyaan horumarka iyo nabadda deegaanka, waxayn shacabka badeen nadaafad-daro iyo in ay asaagooda ka haraan 15-sano, balse hadda ayay bilaabeen shacabka in ay boorka iska jafaan ka dib markii ay arkeen neecowda iyo iftiinka Dowladnimada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Dhallinyarada ku nool degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo is-xilqaamay ayaa bilaabay in ay qeyb weyn ka qaataan bilicda deegaanka oo muddo badan argagixisadu u diidaneyd in ay shacabka nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan. Waxaad arkeysaa Dhallinyaro badan oo u soo baxay jarista geedka loo yaqaan Geed&#8221; Yahuudka&#8221; ama Cali-Garoob oo halkaas ka baxay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":484834,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-489304","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489304","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=489304"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489304\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":489309,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/489304\/revisions\/489309"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/484834"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=489304"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=489304"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=489304"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}