{"id":488673,"date":"2023-06-06T08:46:57","date_gmt":"2023-06-06T05:46:57","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=488673"},"modified":"2023-06-06T08:53:16","modified_gmt":"2023-06-06T05:53:16","slug":"saaxiibbada-soomaaliya-oo-soo-saaray-warsaxaafadeedka-wadajirka-ah-oo-ku-saabsan-xaaladda-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/saaxiibbada-soomaaliya-oo-soo-saaray-warsaxaafadeedka-wadajirka-ah-oo-ku-saabsan-xaaladda-dalka\/","title":{"rendered":"Saaxiibbada Soomaaliya oo soo saaray warsaxaafadeed wadajirka ah oo ku saabsan xaaladda dalka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wakiillo ka kala socda Soomaaliya, Qatar, Imaaraat-ka carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa kulankoodii seddexaad ku qaatay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar, waxayna ka wada hadleen\u00a0 xaaladda Soomaaliya, si gaar arrimaha amniga, siyaasadda iyo bani\u2019aadminimada<\/p>\n<p>Saaxibbaadan kulmay waxa ay hoosta ka xarriiqeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taageerayaan horumarka amniga iyo xasilloonida.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo kulanka looga\u00a0 dooday sida kor loogu qaadi karo kalsooni dhiska, xoojinta hay\u2019adaha dowliga iyo isku xirka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta argagixisada ah iyo kaalmada caalamiga ah ee dhinaca amniga.<\/p>\n<p>Waxa ay soo dhoweeyeen ka go\u2019naanka dowladda Soomaaliya in ay xoojiso hay\u2019adaheeda amniga, u diyaar garowga in ciidanka Qaranka ay amniga si buuxda ugala wareegeen hawlgalka Midowga Afrika marka la gaaro bisha December 2024.<\/p>\n<p>Si loo gaaro dhameystirka hawlahahan waxa ay isku raaceen waddamada kulmay wafuuddooda in ay xoojiyaan isku-duwidda dedaaalkooda, sidoo kalena la shaqeeyaan dowladaha iyo hay\u2019adaha kala ee caalamiga ah ee saaxiibka la ah Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxa ay sidoo kale ka doodeen\u00a0 muhimadda ay leedahay in dhammaadka sanadka ay isugu yimaaddaan shir lagu dejinayo qorshe amni oo la xiriira sida loo joogteynayo amniga kadib sanadka 2024.<\/p>\n<p>Saaxiibbada waxa ay falanqeeyeen ahmiyadda ay leedahay hubinta xasillooni waarta iyo dowlad wanaag laga hirgeliyo deegaannadii dhowaan laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo sida ay uga go\u2019an tahay saaxiibbada caalamiga ah isku- duwidda kaalmo lagu xasilinayo deegannadaasi oo ah mid ay dowladda Soomaaliya hoggaamin doonto.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ballan qaadday in ay sameynayso lana wadaagayso saaxiibbada taageera hannaanka isku duwidda dedaallada xasilinta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dowladaha kulmay ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada siyaasadeed ee ay siinayaan dedaalka Dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso buuxinta shuruudaha farsamo ee maamulka iyo isticmaalidda hubka , si Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ay uga qaadaan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.<\/p>\n<p>Saaxiibbada waxa ay taageereen in uu Golaha wada-tashiga Qaranka kordhiyo dedaallada dib u heshiisiinta siyaasadda iyo in la kala xadeeyo mas\u2019uuliyaadka hay\u2019adaha dowladda si loo hubiyo xasiloonida Soomaaliya .<\/p>\n<p>Saaxiibada waxa sidoo kale taageereen dedaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso xal u helista colaadda magaalada Laas Caanood, waxayna ,\u00a0 dhinacyada ugu baaqeen in la joojiyo dagaalka lana gaaro heshiis xabbad joojin ah iyo in wadahadal iyo hannaan nabadeed lagu xaliyo khilaafaadka jira.<\/p>\n<p>Waxa Sidoo kale isku raaceen\u00a0 horumarka laga sameeyay dhinaca\u00a0 dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib u habeynta hay\u2019adaha maaliyadda, waxayna qireen in dhabbaha lagu socdo Soomaaliya uu gaarsiin karo in laga cafiyo daymaha iyo in la helo qorshe dhaqaale oo lagu horumariyo dalka, dayn cafinta kadib.<\/p>\n<p>Saaxiibada waxa ay baaq u direen beesha caalamka in kaalmo bani aadamnimo oo deg deg ah la siiyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena waxa ay adkeeyeen sida lagama maarmaanka ay u tahay in aan la hor istaagin gaarsiinta iyo helista gargaarka bani\u2019aadminimada xilligan iyo taageeridda u adkeysiga isbeddelka cimilada.<\/p>\n<p>Saaxiibbadu waxay isku raaceen sii wadidda ka wada shaqeynta hawlahan iyo ku soo biiradda Turkiga doodahan si loo joogteeyo horumarka socda. \u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-488679 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA1.jpg\" alt=\"\" width=\"1236\" height=\"1600\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA1.jpg 1236w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA1-232x300.jpg 232w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA1-791x1024.jpg 791w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA1-768x994.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA1-1187x1536.jpg 1187w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA1-860x1113.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1236px) 100vw, 1236px\" \/><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-488678 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA2.jpg\" alt=\"\" width=\"1236\" height=\"1600\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA2.jpg 1236w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA2-232x300.jpg 232w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA2-791x1024.jpg 791w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA2-768x994.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA2-1187x1536.jpg 1187w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA2-860x1113.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1236px) 100vw, 1236px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-488677 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA3.jpg\" alt=\"\" width=\"1236\" height=\"1600\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA3.jpg 1236w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA3-232x300.jpg 232w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA3-791x1024.jpg 791w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA3-768x994.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA3-1187x1536.jpg 1187w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/06\/XAALKA3-860x1113.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1236px) 100vw, 1236px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wakiillo ka kala socda Soomaaliya, Qatar, Imaaraat-ka carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa kulankoodii seddexaad ku qaatay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar, waxayna ka wada hadleen\u00a0 xaaladda Soomaaliya, si gaar arrimaha amniga, siyaasadda iyo bani\u2019aadminimada Saaxibbaadan kulmay waxa ay hoosta ka xarriiqeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taageerayaan horumarka amniga iyo xasilloonida. Waxaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":488674,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-488673","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/488673","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=488673"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/488673\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":488682,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/488673\/revisions\/488682"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/488674"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=488673"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=488673"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=488673"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}