{"id":488197,"date":"2023-05-31T15:20:26","date_gmt":"2023-05-31T12:20:26","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=488197"},"modified":"2023-05-31T15:20:26","modified_gmt":"2023-05-31T12:20:26","slug":"wasaaradda-waxbarashada-oo-war-ka-soo-saartay-xiritaanka-imtixaanka-dugsiyada-sare","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-waxbarashada-oo-war-ka-soo-saartay-xiritaanka-imtixaanka-dugsiyada-sare\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Waxbarashada oo war ka soo saartay xiritaanka Imtixaanka Dugsiyada sare"},"content":{"rendered":"<p>WAR-SAXAAFADEED<\/p>\n<p>XIRITAANKA IMTIXAANKA FASALKA 12AAD EE SANNAD-DUGSIYEEDKA 2022\/2023<\/p>\n<p>Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha yo Taclinta Sare waxaa guul weyn u ah in uu si nabad galyo ah ku soo dhammaaday Imrtixaanka Qaranka ee fasalka 12aad ee sanad dugsiyeedka 2022\/2023, kaas oo socday inta u dhaxeysay 27ka ilaa 31-ka bisha Maajo, 2023.<\/p>\n<p>Imtixaankan waxaa u fariistay 33,300 oo arday, waxa uuna ka dhacay 114 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo Gobollada dalka, waxaana dhammaantood ay shaqada uga socotay sidii loo qorsheeyey.<\/p>\n<p>Waxaan u mahad celinaynaa ALLAAH subxaanuhu watacaalaa oo noo suura galiyey qabsoomidda imtixaanka, sidoo kale waxaan u mahad naqeynaa Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saraakiishooda iyo Askartoodaba oo xil weyn iska saaray amniga iyo amaanada imtixaanka oo la\u2019aantood aysan howshan qabsoomi laheyn.<\/p>\n<p>Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa wasiirrada waxbarashada heer maamul goboleed oo iyagana kaalin weyn ka geystay in deegaannadoodu uu si wanaagsan uga dhaco imtixaanka, sidoo kale waxaan u mahad celineynaa waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey howl wadeennada intii uu socday Imtixaanka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn waxaan u mahad celineynaa Xafiiska imtixaanaadka, Guddiga imtixaanka Qaranka, kor-meerayaasha, ilaaliyeyaasha imtixaanka, shaqaalaha Wasaaradda iyo guud ahaan bahda waxbarashada sidii ay uga qeyb qaateen qabsoomidda iyo habsami u socodka imtixaanka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-488199 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/Saxaafadda-12.jpg\" alt=\"\" width=\"828\" height=\"1053\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/Saxaafadda-12.jpg 828w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/Saxaafadda-12-236x300.jpg 236w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/Saxaafadda-12-805x1024.jpg 805w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/Saxaafadda-12-768x977.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 828px) 100vw, 828px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WAR-SAXAAFADEED XIRITAANKA IMTIXAANKA FASALKA 12AAD EE SANNAD-DUGSIYEEDKA 2022\/2023 Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha yo Taclinta Sare waxaa guul weyn u ah in uu si nabad galyo ah ku soo dhammaaday Imrtixaanka Qaranka ee fasalka 12aad ee sanad dugsiyeedka 2022\/2023, kaas oo socday inta u dhaxeysay 27ka ilaa 31-ka bisha Maajo, 2023. Imtixaankan waxaa u fariistay 33,300 oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":488198,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-488197","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/488197","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=488197"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/488197\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":488200,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/488197\/revisions\/488200"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/488198"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=488197"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=488197"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=488197"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}