{"id":486511,"date":"2023-05-12T12:12:06","date_gmt":"2023-05-12T09:12:06","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=486511"},"modified":"2023-05-12T13:11:11","modified_gmt":"2023-05-12T10:11:11","slug":"safiirka-soomaaliya-ee-shiinaha-oo-ka-qeybgalay-shirweynaha-caalamiga-ah-ee-qowmiyadaha-shiinaha-iyo-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/safiirka-soomaaliya-ee-shiinaha-oo-ka-qeybgalay-shirweynaha-caalamiga-ah-ee-qowmiyadaha-shiinaha-iyo-afrika\/","title":{"rendered":"Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo Ka qeybgalay shirweynaha caalamiga ah ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,&#8221;."},"content":{"rendered":"<p>Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ayaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha kaga qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee &#8221; Daraasaadka caalamka ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,&#8221;.<\/p>\n<p>Shirweynahan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha iyo Machadka Shiinaha-Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax iyo aqoonyahano ka kala socda Dalalka Shiinaha iyo Afrika.<\/p>\n<p>furitaanka shirka, waxaa khubad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Cawaale Kullane, isagoo shirka ku soo bandhigay xiriirka taariikhda guud ee shiinaha iyo Afrika intaba.<\/p>\n<p>Danjiraha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb: Cawaale Kullane, ayaa ku dheeraaday taariikhda iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo shiinaha gaar ahaan arrimaha xagga dhaqanka iyo xiriirka walaaltinimo ee labada Dal ka dhaxeeyo.<\/p>\n<p>&#8221; Xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo shiinaha wuxuu bilowday qarnigii 15-aad ee Admiral Zheng Ha, soo booqday magaalada Muqdisho, waxaana markaas ka dib, aas-aasmay wada shaqeyn ku saleysan ganacsiga, siyaasad nabad ah iyo iskaashi u-dub-dhexaad ilaa iyo hadda u ah xiriirka labada Dal,&#8221; ayuu ku yiri safiirka khudbadda uu ka jeediyay shirka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Kullane ayaa soo dhoweeyay howsha wanaagsan ee Machadka Shiinaha-Afrika &#8220;China-Africa Institute&#8221;, ( CAI) iyo Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha &#8221; Chinese Academy\u00a0 of History ( CAH), sida hufnaanta iyo wadajirka leh ay u maamuleen shirweynaha caalamiga ah ee &#8221; Daraasaadka caalamka ah\u00a0 ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ayaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha kaga qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee &#8221; Daraasaadka caalamka ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,&#8221;. Shirweynahan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha iyo Machadka Shiinaha-Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb galay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":486515,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-486511","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/486511","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=486511"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/486511\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":486513,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/486511\/revisions\/486513"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/486515"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=486511"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=486511"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=486511"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}