{"id":486351,"date":"2023-05-10T10:45:10","date_gmt":"2023-05-10T07:45:10","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=486351"},"modified":"2023-05-10T10:57:06","modified_gmt":"2023-05-10T07:57:06","slug":"falcelinta-madashii-furnayd-ee-uu-madaxweyne-xasan-sheekh-uga-jawaabay-suaalaha-shacabka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/falcelinta-madashii-furnayd-ee-uu-madaxweyne-xasan-sheekh-uga-jawaabay-suaalaha-shacabka\/","title":{"rendered":"Falcelinta madashii furnayd ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga jawaabay su\u2019aalaha Shacabka"},"content":{"rendered":"<p>Kadib markii uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud uu ka qeybgalay madashii furneyd ee su\u2019aalo Dadweyne lagu weydiinayay, islamarkaana uu si saraaxad leh uga wada jawaabay weydiimihii Shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyeen, ayaa waxaa ka yimid falcelin ama FEED BACK, taasi ay ka bixiyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan Dalka gudahiisa iyo kuwa ku nool daafaha Dunida, waxaana ka mid ahaa Dadkii falcelintaasi ku muujiyay sawir gacmeed Amiin Caamir oo ka mid bahda saxaafadda ee sawirada wax ku cabira, waxa uuna Kartoonkiisa ku cabiray Oraah ay isweydiinayaan Laba Odey oo Daawanayay Madashaasi furan, waxa uuna mid ka mid leeyahay \u201c Asigoo Hal sano oo kaliya jooga ayuu Warbaahinta oo dhan u fasaxay ina su;aal kasta la weydiiyo\u201d.<\/p>\n<p>Waxaa kaloo ka mid ah Dadkii ka soo falceliyaay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Musse M. Maxamuud oo ku sugan Magaalada Helsinki ee Dalka Finland, waxa uuna qoray qormo dheer uu ku cabirayay sida ay ula muuqatay Madashaasi, waxa uuna ku bilaabay, \u00a0\u201cMarkii aan warbaahinta ku arkay ogeysiiska madal furan oo uu Madaxweyne Xasan sheekh uga jawaabi doono su\u2019aalaha ay shacabku qabaan ayaan si taxadar leh ugu riyaaqay hindisahaasi, dhab ahaantii markiiba ii muuqday dhalanteed aan dhici Karin\u201d..<\/p>\n<p>Waa uu sii\u00a0 wata qoraalkiisa Muwaadinkaasi waxa uuna naftiisa ku maaweeliyay sidan:-\u201cWaxaanse mar kale naftayda u sheegay in dad la soo xulay ay dabcan imaan karaan Madaxtooyada Qaranka kaddibna ay halkaas Madaxweynaha kula jalbeebsan karaan, afkaar iyo su\u2019aalo la sii qorsheeyayna ku weydiin karaan. Si kastaba ha ahaatee, muuqaal wax-san-arag ah ayaa ii bidhaamay waxaana igu soo butaacay dareen igu riixay in aanan ka hordhicin waxa dhici doona ee aan si dhow oo dhuun-daloolnaan lagu laray ula socdo madasha la baahiyay in ay dhacayso\u201d.<\/p>\n<p>Maxamed Cabdi waa sii hadloo waxa uu sii raaciyay \u201cAniga iyo asxaabtayda waxaan dubanay salool qaxwana waan karsannay, waxaana dadaal dartiis u diyaar sannay labo kambuyuutar, si haddii mid waleecaad helo aan kan kale ugu baxsanno. Aan kuu sheegee waxaanu darban nahay in aan madashan ku daawanno magaalo la yiraahdo Helsinki oo caasimad u ah dalka Findland oo dhaca woqooyiga shishe ee Yurub. Wax yar ka hor madasha ayaan ogaaday goobta Madaxweyne Xasan sheekh iyo shacabku ku doodayeen ay tahay hoteelka caanka ah ee Jazeera palace, haddii aadan aqoon hotel Jazeera aan kaadaba-geeyo, waa Hoteel ku suntan ka sokow adeeggiisa hufan, dhex-dhexaadnimo ay ku dhiiradaan joogitaankiisa iyo degitaankiisaba dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka ku kala aragtida duwan\u201d.<\/p>\n<p>Muwaadinku waxa uu leeyahay \u201cWaxaan dhegta u raariciyay su\u2019aalaha Madaxweynaha la weydiinayay iyo jawaabaha uu ka bixinayay madasha ayaa ahayd mid si toos ah looga baahinayay Warbaahinta Qaranka iyo tan gaarka loo leeyahayba. Su\u2019aaluhu waxay ka tarjumayeen dareenka shacabka ee ku aadan ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda dalka, xiriirka arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya iyo su\u2019aalo kale oo nolosha caadiga ah ee shacabka si gaar ah u taabanayay. Marka laga soo tago\u00a0<strong style=\"font-style: inherit;\">waaqicinnimada\u00a0<\/strong>jawaabaha uu Madaxweynuhu bixiyay,waxaan i soo jiitay habka uu Madaxweyne Xasan ula falgeliyay dadka madasha joogay iyo sida uu u weynaynaayay muhiimadna u siinayay su\u2019aal kasta oo la weydiiyay\u201d.<\/p>\n<p>Waxaa uu leeyahasy Muwaadinkaasi Soomaaliyeed \u00a0\u201cweli maankayga ku sawiran sida uu su\u2019aalaha qaar fadhiga uga kacayay marka uu ka jawaabayay Cajiib.<\/p>\n<p>Marka aan isku soo duubo, aragtidaydu waa, in Madaxweyne Xasan sheekh uu dumiyay gidaarkii u dhexeeyay Madaxda dalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyee,, kuwaas oo xaq u leh una qalma in ay helaan Madaxweyne u soo banbaxa, su\u2019aalahoodana toos uga jawaabaya dareenka ay qabaanna la qaybsada\u201d<\/p>\n<p>\u201cMahadsanid madaxweyne\u201d ayuu ku soo gunaanaday falcelintii uu soo Wakaaladda SONNA la wadaagay Muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Muuse M. Maxamuud.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kadib markii uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud uu ka qeybgalay madashii furneyd ee su\u2019aalo Dadweyne lagu weydiinayay, islamarkaana uu si saraaxad leh uga wada jawaabay weydiimihii Shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyeen, ayaa waxaa ka yimid falcelin ama FEED BACK, taasi ay ka bixiyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan Dalka gudahiisa iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":486352,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-486351","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/486351","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=486351"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/486351\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":486356,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/486351\/revisions\/486356"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/486352"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=486351"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=486351"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=486351"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}