{"id":485686,"date":"2023-04-29T21:22:13","date_gmt":"2023-04-29T18:22:13","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=485686"},"modified":"2023-04-29T21:22:13","modified_gmt":"2023-04-29T18:22:13","slug":"wasiirka-maaliyadda-soomaaliya-oo-dalka-morocco-uga-qeybgalaya-shirka-sanadlaha-ah-hayaddaha-maliyadda-dalalka-carabta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-maaliyadda-soomaaliya-oo-dalka-morocco-uga-qeybgalaya-shirka-sanadlaha-ah-hayaddaha-maliyadda-dalalka-carabta\/","title":{"rendered":"Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo dalka Morocco uga qeybgalaya shirka sanadlaha ah hay&#8217;addaha maliyadda dalalka Carabta"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka Morocco ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee hay&#8217;addaha maaliyadda Carabta, kaas oo maanta ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco, iyadoo looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga hay&#8217;addaha dhaqaalaha dalalka\u00a0 Carabta.<\/p>\n<p>Wasiirka maaliyadda dowladda FS ayaa la waddaagay hay&#8217;addaha iyo dowladdaha ka soo qaybgalay shirka arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka dib u-habeynta maaliyadda.<\/p>\n<p>Dr Cilmi ayaa ku booriyey wasiirada maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee dhiggiisa ah iyo hay&#8217;addaha kale ee maaliyadda ee shirka ka soo qayb galay in ay sii waddaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.<\/p>\n<p>&#8220;Waxa aan ku booriyey wasiiradda maaliyadda Carabta ee dhiggayga ah iyo hay&#8217;addaha kale ee Maaliyadda ee carbeed in ay sii wadaan garab istaagga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn Cafinta Soomaaliya&#8221;. ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doona inta uu shirku socodo wasiirada dhiggiisa ah iyo madaxda hay\u2019adaha maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta ee shir ku sugan.<\/p>\n<p>Dowlado iyo hay&#8217;ado maaliyadeed oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya ku leh Malaayiin Dollar oo deymo ah, waxaana shirkan uu ahmiyad u leeyahay Soomaaliya, si ay ugu soo bandhigto hidisaheeda ku aaddan dhammaystirka barnaamijka deyn cafinta.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka Morocco ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee hay&#8217;addaha maaliyadda Carabta, kaas oo maanta ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco, iyadoo looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga hay&#8217;addaha dhaqaalaha dalalka\u00a0 Carabta. Wasiirka maaliyadda dowladda FS ayaa la waddaagay hay&#8217;addaha iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":485688,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-485686","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/485686","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=485686"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/485686\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":485687,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/485686\/revisions\/485687"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/485688"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=485686"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=485686"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=485686"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}