{"id":485387,"date":"2023-04-24T16:02:34","date_gmt":"2023-04-24T13:02:34","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=485387"},"modified":"2023-04-24T16:02:34","modified_gmt":"2023-04-24T13:02:34","slug":"wasiirka-warfaafinta-xfs-oo-ka-qeyb-galay-furitaanka-bandhigga-buugaagta-ee-jabuuti","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-xfs-oo-ka-qeyb-galay-furitaanka-bandhigga-buugaagta-ee-jabuuti\/","title":{"rendered":"Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay furitaanka Bandhigga Buugaagta ee Jabuuti"},"content":{"rendered":"<p>Jabuuti.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuryadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Djibouti si rasmi ah uga furay Bandhigga Buugaagta Djibouti ee sannadkan 2023-ka, iyadoo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliyana lagu martiqaadey ka qeybgalka munaasabbadaasi.<\/p>\n<p>Bandhigga Buugaagta ee Djbouti ayaa sidoo kale lagu soo beegay Maalinta Buugaagta iyo Xuquuqda Daabacaadda ama Wax Qorista Adduunka \u2013 oo ah maalin ay Hay\u2019adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) u astaysay laga soo bilaabo 1995-kii, si loogu dabaaldego ka faa\u2019iideysiga akhriska iyo buugaagta.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa&#8217;uud Aweys Jaamac oo madaxweynaha kala qeybgaley furitaanka bandhigga ayaa ugu horeyn hambalyo kal iyo laab ah u diray dalka aynu walaalaha iyo deriskaba nahay ee Jamhuuriyadda Djibouti, sida ay u garteen muhimadda qiimaha waxbarashada, xuquuqda daabacaada, buugaagta, cilmi baarista iyo aqoonta ay u leeyihiin horumarinta bulshada ,iyadoo aanay ku koobneyn Jabuuti oo keliya ee balse ay tahay aalad ay adeegsan karaan dhammaan dadywoga ku dhaqan Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.<\/p>\n<p>Hal ku dhigga sannadkan ee Bandhiga Buugaagta ee\u00a0 Djibouti ayaa ah \u201cBuuggu Waa\u00a0 Tilmaan Midnimo iyo Tebiyaha Cilmiga, Nabadda iyo Wada Noolaanshaha Geeska Afrika.\u201d, waxaana ii Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis sheegay in hal ku dhiggan uu tilmaamayo baaq ku aaddan iskaashiga iyo wadashaqeynta dhabta ah ee ka dhexeeya waddamada Geeska Afrika oo ku salaysan aqoon wadaagga. \u201c Maadaama aanu isku wada waafaqsanahay in aqoontu\u00a0 tahay awood, laakiin waxaa iyana muhiim ah in la wadaago aqoontaas oo ah furaha furaha ka faa\u2019iideysiga awooddaas baaxadda leh. Waxaa marka uu waajib naga wada saran yahay inaan abuurno jawi u oggolaanaya akhriska, qoraalka, xuquuqda daabacaadda, waxbarashada, cilmi-baarista iyo aqoonta oo la wadaago si loo horumariyo danaha muwaadiniinta iyo guud ahaan gobolka\u201d ayuu yiri Wasiirka.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti gaarsiiyay salaan uu uga siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyay Soomaaliya ka soo qeybgalka bandhiggan, waxaana uu dhankiisa salaan gaar ah iyo bogaadin u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka intaba.<\/p>\n<p>Bandhiggan ka dhacaya Djibouti ayaa kulminaya aqoonyanno gobolka Geeska Afrika ka socda iyo dunida inteeda kale.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-485388\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.52.jpeg\" alt=\"\" width=\"1280\" height=\"853\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.52.jpeg 1280w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.52-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.52-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.52-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.52-330x220.jpeg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.52-420x280.jpeg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.52-615x410.jpeg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.52-860x573.jpeg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1280px) 100vw, 1280px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-485389\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.53.jpeg\" alt=\"\" width=\"1280\" height=\"853\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.53.jpeg 1280w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.53-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.53-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.53-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.53-330x220.jpeg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.53-420x280.jpeg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.53-615x410.jpeg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/04\/WhatsApp-Image-2023-04-24-at-05.53.53-860x573.jpeg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1280px) 100vw, 1280px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jabuuti.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuryadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Djibouti si rasmi ah uga furay Bandhigga Buugaagta Djibouti ee sannadkan 2023-ka, iyadoo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliyana lagu martiqaadey ka qeybgalka munaasabbadaasi. Bandhigga Buugaagta ee Djbouti ayaa sidoo kale lagu soo beegay Maalinta Buugaagta iyo Xuquuqda Daabacaadda ama Wax Qorista Adduunka \u2013 oo ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":485389,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-485387","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/485387","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=485387"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/485387\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":485390,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/485387\/revisions\/485390"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/485389"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=485387"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=485387"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=485387"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}