{"id":484766,"date":"2023-04-15T12:03:14","date_gmt":"2023-04-15T09:03:14","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=484766"},"modified":"2023-04-15T12:03:14","modified_gmt":"2023-04-15T09:03:14","slug":"ciidamada-xoogga-dalka-oo-si-buuxda-ula-wareegay-deegaanka-budbud-ee-gobolka-galgaduud","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidamada-xoogga-dalka-oo-si-buuxda-ula-wareegay-deegaanka-budbud-ee-gobolka-galgaduud\/","title":{"rendered":"Ciidamada xoogga dalka oo si buuxda ula wareegay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Generaal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyay in maanta ciidamada xoogga dalka si buuxda ula wareegeen deegaanka Budbud oo ka tirsan gobolka Galgaduud.<\/p>\n<p>\u201c Ciidanku saakay wuxuu si buuxa ula wareegay deegaanka Budbud, Budbud waa tuulo weyn oo degmo u dhiganta, dad badanana deggan yahay, maanta waxay gacanta ugu jirtaa oo saakay la wareegay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug,\u201d \u00a0ayuu yiri Generaal Caanood.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Ciidamada xoogga dalka oo kaashaanaya Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa ku guuleystay howlgallo maalmihii u dambeeyay ay wadeen in ay gacanta ku dhigaan deegaanada Ceel Axmed, Saban-sablaale iyo \u00a0Ceel Cali Xasan\u00a0oo dhammaantood hoostagta degmada Galcad ee gobolka Galguduud.<\/p>\n<p>Ciidamada xoogga dalka ayaa hadda ku sii daba jira firxadka kooxda Khawaarijta, kuwaas oo dhibaato xooggan ku hayay shacabka ku dhaqan deegaannada la xoreeyay.<\/p>\n<p>Dhammaan deegaannadan laga xoreeyay Khawaarijta ayaa ah kuwo muhiim ah,islamarkaana leh dhul aad u qurux badan, kuna wacan dalxiiska, waa dhul doog leh oo xareedu Biyo dhigtay, barwaaqada iyo dhirta cagaarana Alle ku manaystay\u00a0 oo maanta xor ka ah Khawaarijta Al Shabaab.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Generaal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyay in maanta ciidamada xoogga dalka si buuxda ula wareegeen deegaanka Budbud oo ka tirsan gobolka Galgaduud. \u201c Ciidanku saakay wuxuu si buuxa ula wareegay deegaanka Budbud, Budbud waa tuulo weyn oo degmo u dhiganta, dad badanana deggan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":484767,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-484766","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/484766","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=484766"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/484766\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":484768,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/484766\/revisions\/484768"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/484767"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=484766"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=484766"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=484766"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}