{"id":484053,"date":"2023-04-06T11:38:30","date_gmt":"2023-04-06T08:38:30","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=484053"},"modified":"2023-04-06T11:54:06","modified_gmt":"2023-04-06T08:54:06","slug":"sacuudiga-iyo-iiraan-oo-ku-heshiiyay-dib-u-furista-safaaradaha-labada-dal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/sacuudiga-iyo-iiraan-oo-ku-heshiiyay-dib-u-furista-safaaradaha-labada-dal\/","title":{"rendered":"Sacuudiga iyo Iiraan oo ku heshiiyay dib u furista safaaradaha labada dal"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Sacuudiga iyo Iiraan, Amiir Faysal Bin Farxaan iyo Xuseen Amiir ayaa kulan ku yeeshay caasimadda Shiinaha ee Beijing, si loo dardargeliyo heshiiska dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.<br \/>\nKanaalka Sacuudiga ee \u201cAl-Ikhbariya\u201d ayaa sheegay in labada wasiir ay ku kulmeen caasimadda Shiinaha, ayna saxiixeen heshiis wada jir ah.<\/p>\n<p>Dhanka kale, wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa xaqiijisay in si rasmi ah uu dib ugu soo laabtay xiriirkii labada dal.<\/p>\n<p>Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in labada dhinac ku heshiiyeen sidii dib loo furi lahaa safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal.<\/p>\n<p>10-kii Maarso, Sacuudi Carabiya iyo Iiran ayaa ku dhawaaqay inay dib u furayaan safaaradahooda laba bilood gudahood, ka dib wadahadal uu Shiinuhu garwadeen ka ahaa oo ka dhacay magaalada Beijing, sida lagu sheegay bayaan ay si wadajir ah u soo saareen saddexda dal.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Sacuudiga iyo Iiraan, Amiir Faysal Bin Farxaan iyo Xuseen Amiir ayaa kulan ku yeeshay caasimadda Shiinaha ee Beijing, si loo dardargeliyo heshiiska dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Kanaalka Sacuudiga ee \u201cAl-Ikhbariya\u201d ayaa sheegay in labada wasiir ay ku kulmeen caasimadda Shiinaha, ayna saxiixeen heshiis wada jir ah. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":52,"featured_media":484054,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-484053","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/484053","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/52"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=484053"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/484053\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":484063,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/484053\/revisions\/484063"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/484054"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=484053"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=484053"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=484053"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}