{"id":483508,"date":"2023-03-31T09:05:11","date_gmt":"2023-03-31T06:05:11","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=483508"},"modified":"2023-03-31T09:05:11","modified_gmt":"2023-03-31T06:05:11","slug":"turkiye-oo-ogolaatay-xubinnimada-finland-ee-nato","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/turkiye-oo-ogolaatay-xubinnimada-finland-ee-nato\/","title":{"rendered":"Turkiye oo ogolaatay xubinnimada Finland ee NATO"},"content":{"rendered":"<p>Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanaya Finland inay ku biirto NATO, taasoo meesha ka saaraysa caqabadii u dambeysay ,kadib markii Finland \u00a0ay ku biirtay xulafada difaaca hawada ee khuseeya dagaalka Ukrine.<\/p>\n<p>276 cildhibaan ayaa u codeeyay dalabka Finland, maalmo kadib markii baarlamaanka Hungary uu sidoo kale ansixiyay ku biiritaanka dalkaasi ee Nato.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horraantii bishan sheegay in Finland ay qaadeen tallaabooyin wax ku ool ah oo ay kaga hortagayaan kooxaha ay Ankara u aragto argagixisada.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto ayaa u mahadceliyay 30-ka waddan ee xubnaha ka ah NATO si ay u taageeraan dadaalka waddankiisa ee ah in uu ku biiro isbahaysiga.<\/p>\n<p>\u201cFinland waxay noqon doontaa xulafo xooggan oo karti leh, oo ay ka go&#8217;an tahay ammaanka isbaheysiga,\u201d ayuu ku yiri madaxweynaha.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanaya Finland inay ku biirto NATO, taasoo meesha ka saaraysa caqabadii u dambeysay ,kadib markii Finland \u00a0ay ku biirtay xulafada difaaca hawada ee khuseeya dagaalka Ukrine. 276 cildhibaan ayaa u codeeyay dalabka Finland, maalmo kadib markii baarlamaanka Hungary uu sidoo kale ansixiyay ku biiritaanka dalkaasi ee Nato. Madaxweynaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":483509,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-483508","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/483508","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=483508"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/483508\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":483510,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/483508\/revisions\/483510"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/483509"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=483508"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=483508"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=483508"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}