{"id":482648,"date":"2023-03-21T19:12:57","date_gmt":"2023-03-21T16:12:57","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=482648"},"modified":"2023-03-21T19:12:57","modified_gmt":"2023-03-21T16:12:57","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-saxiixay-magacaabista-guddiga-madaxa-bannaan-ee-dib-u-eegista-dastuurka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-saxiixay-magacaabista-guddiga-madaxa-bannaan-ee-dib-u-eegista-dastuurka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay magacaabista guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay soojeedinta Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ee magcaabista xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka\u00a0 oo Kala ah:<\/p>\n<ol>\n<li>M.dane Burhaan Aadan Cumar: Gudoomiye<\/li>\n<li>M.dane Axmed Maxamed Jaamac; Xubin<\/li>\n<li>M.dane Maxamed Cabdalla Saalax; Xubin<\/li>\n<li>Marwo Farxiyo Muumin Cali; Xubin<\/li>\n<li>M.dane Maxamed Xasan Idiris; Xubin<\/li>\n<\/ol>\n<p>Xubnaha Guddigan waxaa ansixiyey Golaha Shacabka ee BFS iyo Golha Aqalka Sare ee BFS kadib soojeedinta Golaha Wasiirada ee XFS, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka KMG ah.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xubnaha iyo guddoonka guddigan ay khibrad iyo aqoon durugsan u leeyihiin arrimaha dastuurka iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay muhiimadda dhammeystirka dastuurku uu u leeyahay dowladnimada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dardar-gelinta shaqada baaxadda leh ee hortaalla iyo in ay dhaxal wanaagsan u reebaan jiilasha Soomaaliyeed, maadaama Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu hagayo aayaha dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay soojeedinta Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ee magcaabista xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka\u00a0 oo Kala ah: M.dane Burhaan Aadan Cumar: Gudoomiye M.dane Axmed Maxamed Jaamac; Xubin M.dane Maxamed Cabdalla Saalax; Xubin Marwo Farxiyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":482649,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-482648","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482648","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=482648"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482648\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":482650,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482648\/revisions\/482650"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/482649"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=482648"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=482648"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=482648"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}